Waa Sidee Nolosha Ardayda Reer Puntland ee Deeqda Waxbarasho ka Helay Itoobiya? War-Saxaafadeed

 

Dowlada aan deriska nahay ee dalka Itoobiya waxay sanad kasta deeq waxbarasho siisa dowlada Puntland ee Soomaaliyeed, waxaana deeqdan waxbarasho ka faa’idaysta ardayda kaalmaha hore ka gasha imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 4-aad dugsiga sare.

Deeqda waxbarasho ee Itoobiya siiso Puntland ayaa si aan kala go’ lahayn u soconaysay saddexdii sano ee ugu dambeeyay, waxaana  markii ugu horaysay sanad-dugsiyeedka 2012-2013 ka qalinjebinaya jaamacadaha Itoobiya ardaydii ugu horaysay ee deeqdan ka faa’iidaysatay sanad-dugisyeedki 2010-2011.Ardayda qalinjebinaysa sanadkan ayaa baranaya takhasusaadka ay ka mid yihiin cilmiga beeraha (Agriculture) , Cilmiga Bulshada (Social sciences) iyo cilmiga ganacsiga iyo dhaqaalaha (Business and Economics disciplines).

Cabdirashiid Maxamed Daahir oo ka mida ardaydii deeqda waxbarasho ee Itoobiya ka faa’iidaysatay sanad-dugsiyeedki 2011-2012 ayaa sheegay in waxbarashada Itoobiya ay ahmiyad gaara u leedahay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, “Runtii qaabka wax looga barto halkan wuxuu waafaqayaa  qaabkii loogu shaqayn lahaa dalkeeni Somalia, manhajka waxbarasho ee Itoobiya wuxuu ku xiranyahay dalka Maraykanka”.

Mr. Daahir ayaa intaas ku daray in marka ay yimaadaan dalka Ethiopia isla markaana la gaarsiiyo jaamacadihi lagu qoray ardayda, si wanaagsan loola macaamilo, “Anagu waxaan ahayn 40 arday, waxaa nalaku qoray 16 jaamacadood oo ku yaala dalka Ethiopia (Public Universities), markii aan tagnay jaamacadaha waxaa naloo soo dhoweeyay si weyn, waxaa nalaka bedelay cunada kale ee ardayda Ethiopian- ka ah cunaan, waxaana nala siiyay qaybtayo qolal u gaara, maamulka jaamacada, ardayda iyo dadka ku nool magaalada jaamacadu ku taaloba si wanaagsan ayay noola macaamileen”.

Sidoo kale Cabdirashiid waxa uu sheegay inay dalkii dib ugu laaban doonaan marka ay dhamaystaan waxbarashada, “Waxaan baranaynaa fields kala duwan sida Engineering, Medicine, Agriculture, Social science iyo Business , waxaanu ku fekeraynaa boqolkiiba (%) intee qof ayaad uga faa’iidayn kartaan cilmiga aad halkan ka barataan, waxaan kaloo ku xisaabtamaynaa maxaad dalkii ka qaban kartaan markii aad laabataan”.

“Ethiopia waxay xooga saartay Technology-ga , tusaale ahaan sanadkan oo keliya 70% ardayda Ethiopian-ka ah ee jaamacadaha ku xeroonaysay waxay baranayeen faculty of technology sida Engineering-ka, computerada iyo isgaadhsiinta, marka waxaan isleenahay cashar baad barateen, waxbarashada ka sokow” ayuu intaas ku daray Cabdirashiid Maxamed Daahir.

Qunsulka Ethiopia u jooga Puntland Asmalesh Walmiirath ayaa warbaahinta u sheegay in ahmiyada deeqda waxbarasho ay tahay, sidii labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia is dhexgal xaga shacbiyada ah u yeelan lahaayeen, “Ardaydaan waan awoodna inaan hal meel ku qorno hase yeeshe anagoo eegayna casharka xaga dhaqanka iyo tacliinta ah ee ay ka helayaan meelaha kala duduwan ee aan geynayno ayay nala noqotay inaan meelo kala duwan ku qorno”.

 

Ardayda reer Puntland ee dalka Ethiopia wax ka barata ayaa qiyaas ahaan gaaraya 200 arday, waxaana sanadkan oo keliya dalka Ethiopia soo gaaray 60 arday oo cusub kuwaas oo dhigandoona laba heer aqooneed oo kala ah Bsc, BA iyo Diploma, waxaana xusid mudan in Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ay gacanweyn ka gaysato bixinta deeqdan waxbarasho ee la siiyo Puntland.

Puntland Scholarship Students Association-Ethiopia

Information Unit-Addisababa, Ethiopia
lacle1004@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top