Ujeeddo: Shaqo ka bannaan dugsiga sare ee Gambool.

Waxaa la ogeysiinayaa bahda waxbarashada iyo cid walba oo danaynaysaba in ay bannaan tahay jagada maamulaha dugsiga sare ee Gambool.
Shuruudaha laga doonayo cid walba oo danaynaysa jagadani waa:
1. Shahaado waxbarasho oo heer jaamacadeed ah.
2. Waa in uu leeyahay waaya-aragnimo ama khibrad maamul dugsi sare oo dhan shan (5) sano.
3. Waa in uu leeyahay waaya-aragnimo ama khibrad barennimo ugu yaraan todoba (7) sano.
4. Waa inuu yahay qof kulansaday sifooyinkaan ama astaamahan hoos ku qoran:
# Karti, hufnaan iyo ammaano.
# Hoggaamin suubban iyo dad-la-shaqayn.
# Garsoorid iyo go’aan-qaadasho.
# Maarayn iyo maamul wanaag.
# Xallinta khilaafaadka.
# Xiriirinta bulshada iyo dhammaan daneeyayaasha kale.
# Habdhaqan iyo anshax wanaagsan.
# Waa in uusan lahayn balwadaha xun ee dadka wax u dhimaya,
Waa inaanu lahayn habayaraatee wax balwad ah,sida qaadka,sigaarka,khamrada iyo dhammaan maandooriye.
# Waa in uusan dalka ka gelin dambi qaran oo maxkamadi ku xukuntay.
# Waa in uu u hoggaansamaa dhammaan siyaasadaha iyo nidaamka waxbarashada Puntland.
Dhammaan dokumintiyada muhiimka ah, sida codsiga shaqada taariikh nololeedkaaga iyo shahaadooyinkaagaba kusoo hagaaji xafiiska Waaxda Kormeerka iyo Taya-dhawrka Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ama kusoo dir bartacayn@gmail.com. Tell Number 0907794564 , ugu dambayn 20ka bishan Nofembar 2020.
359359
332 Comments
51 Shares
Like
Comment
Share
Scroll to Top