Tartan Aqooneed u dhaxeyey fasaladda 8aadka ee dugsiga hoose/dhaxe ee darwiish.

Tartan aad u Qiimo badnaa ayaa waxaa ka dhacay iskuulka Darwish ee Magaaladda Garowe Tartankaan ayaa u dhaxey fasaladda 8aadka.

Tartankaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay wafati  ka socda Wasaarada Waxbarashadda dhaxe ee Puntland  marti sharaf aad u fara badan   iyo gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal iyo Macalimiin,  Maamulayaasha  iskuulada iyo Waridiin iyo aqoonyahano,arday aad u farabadan.

Tartanka ayaa waxa uu bilowday markay ahayd taariikhdu 23/1/2014 kuna saabsana aqoon guud oo Aradayda dhexdooda ka tartamayen.

Tartankan ayaa u dhaxeyey 6 fasal oo 8aad ah  gababa gabadii waxaa isugu soo haray labo fasal oo 8aad T iyo 8aad X.

Tartankii ayaa markay taariikhdu 21 Maarso ku gulaysatay 8X oo dhibo fiican ku qaaday.

markii lagu dhawaqay najiitada tartanka ayaa sacab iyo sawaxan halmar islayeeren.

Waxay u ahayd farxad wayn oo maalintaa muhiim u ah ardaydaa, ardaydii ayaa waxaa la gudoonsiyey shahaadooyin iyo bilado sharafeed iyo koobab.

Waxana gudoonsieyey kormeraha Waxbarashadda Gobolka Nugaal Cumar Guure oo ka soo qaybagalay Munasbada.

DHiiragalin tartamo qiimo badan ayaa ka ayaa ka dhaca Sanadakasta iskuulka darwiish,

Iskuuladda ugu caan san Gobolka Nugaal ayuu ka mid yahay oo ay dowladu gacanta ku hayso.

DAAWO SAWIRADII XAFLADA TARTANKA ISKUULKA DARWIISH.

 

Deeq Maxamed Warsame

Wasaaradda Waxbarashada Puntland

Contact Number+25257743400

 

 

 

Scroll to Top