Tacsi Tiiraanyo leh انا لله وانا اليه راجعون (Salaad Daahir Aadan)


Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dr. Cali Xaaji Warsame, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Proff. Maxamed Cali Faarax, ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Maxamed Warsame, Agaasime waaxeedyada, Madaxqaybeedyada iyo Dhammaan shaqalaalaha Wasaaradda Waxbarashada waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Salaad Daahir Aadan oo shil gaari ku dhintay Sabtidii 30-Agoosto-2014, 

Marxuum Salaad Daahir Aadan ayaa u shaqaynayay Hay’adda ADS, wuxuuna ka ahaa Manager, isagoo horay ula soo shaqeeyay Hay’adda UNICEF oo ay wadashaqayn leeyihiin Wasaaradda Waxbarashada Puntland, gacanna ka geystay Horumarinta Waxbarashada Puntland, tababarro badanna siiyay Shaqaalaha iyo Hawlwadeenada wasaaradda.

Waxay Ilaah uga baryayaan inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo Eheladii, qaraabadii iyo bahweyntii waxbarashada uu mudada dheer la soo shaqeeyayna samir iyo Iimaan ka siiyo.

كل نفس دائقة الموت

انا لله وانا اليه راجعون


Scroll to Top