Tababar Loo Qabtay Haween Ka Kala Socday Gobolada Puntland Oo Maanta Soo Xirmay

Waxaa maanta xarunta wasaarada waxbarashada dawlada Puntland lagu soo gabagabeeyay tababar soconayay muda dhan shan cisho,tababarkan ayaa aha mid loo qabtay haween ka kala socday dhamaan gobolada Puntland oo tiradooda gaarayso kudhaawaad 20 dumara aynka kamid yihiin dumarkaas masuuliyiinta xafiisyada gobolada uqaabilsan arimaha waxbarashada gabdhaha (Gender Focal Points ).

Tabarbarkan ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay`ada ADRA International waxaana fulinaysay wasaarada waxbarashada gaar ahaan waaxda qaabilsan arimaha waxbarashada Gabdhaha ,ujeedada tababarkan ayaa ahaa in haweenka ay ka qabyqaataan arimaha siyaasada dalka ,Hogaaminta Wanaagsan,udoodida xuquuda waxbrashada Gabdhaha ,Maamulka Wanaagsan ,maha markii ugu horaysay oo loo qabto tababar noocaanoo kala haweenka waaxda hormarinta waxbarashada gabdhaha ee wasaarada waxbarashada ayaa xil adag iska saartay hawshaan mudooyin hore oo badana qabatay. 

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

 

Scroll to Top