Tababar Loo Qabtay Gudoomiyayaasha Waxbarashada Iyo Kormeerayaasha Oo Manta Lasoo GabaGabeeyay

Tababar Socday muddo 3 cisho ah lagu baranaayey Habka Loo Kormeero Goobaha Waxbarashada ayaa maanta loo soo xiray Masuuliyiin ka tirsan Gudoomiyayasha Waxbarashada Gobolada.Degmooyinka,Kormeerayaasha  kuwaasoo dhamaantood ka kala yimi dhaman deegaanada Puntlan,tababarkan ayaa ahaa mid ka duwan tababaradii horay loo qabanjiray asagoo aad loo amanay ka qaybgalkiisa iyo sida ay masuuliyiintu uga faa`idaysteen.

Munaasabdii xiritaanka aya waxaa ka hadlay wasiirka waxbarashada Mr Juxa waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyhay in ay si wanaagsan uga qaybqaateen ka qaygalayaasha tababarkan,xil wayna iska saaren mudadii uuu socday,intaa kadib waxa uu wasiirka kula dardaarmay masuuliyiintii ka qaybgashay in ay waxay barteen ku shaqeeyaan meelaha ay ka kala yimaadeena ula noqdaan oo wax uga badalaan si aan ugaarno hadafkii aan lahayn.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top