Tababar loo furay Gudoomiyayaasha Waxbarshada ee Puntland

Wasiirka Wsaarada  Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa Maanta tababar socon doona mudo afar maalmood ah u furay  Gudoomiyaasha waxbarshda ee gobolada Puntland iyo kuwa dagmooyinkaba.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Tababarkan ayaa ah mid lagu baranayo sidii xog uruurin loogu samayn laha dugsiyad Hoose/Dhexe ee Puntland agabkooda, maclimiinta dhigta iyo ardayda waxa kabarata inta ay la’eg yihiin

ababarkan oo ay dhamaan Gudoomiyaasha waxbarashada ay kasoo qayb-galeen ayaa waxaa furay Wasiirka Waxbarshada Puntland Cabdi Faarax Juxa oo sheegay in laga mamaarmaan ay tahay in la ogaado agabyada ay haystaan dhamaan dugsiyada Hoose/Dhexe ee Puntland si loo helo baahidda rasmiga ah ee Iskool kasta.

Wasiirka Cabdi Faarxa ayaa Ku booriyay Gudoomiyaasha Gobolada iyo kuwa dagmooyinka ee furasda u helay in lasiiyo tababarkan ku saabsan xog uruurinta ay ka faa’iidaystaan si ay hadhow xogta ay keeni doonaan Wasaarada ay u noqto mid rasmi ah oo dhaqan gasha.
Waa Markii ugu haraysay ee Gudoomiyaasha Waxbarashada Gobalada iyo dagmooyinka Puntland loo qabto tabar noocaan oo kale ah waxaan tababarkaan Wasaarada Waxbarashada gacan kasiinaysay hay’adda UNCEF.

 

Amaal Abdilaahi

Minstery Of Education Puntland Somalia

Scroll to Top