TABABAR KU SAABSAN NADAAFADDA IYO FAYADHOOWRKA OO KA DHACAY WASAARADDA WAXBARASHADDA PUNTLAND.

Tababar loogu qabtay hoolka shirarka ee wasaaradda waxbarashadda ee puntland, Tababarkan oo daba socda mashruuc birkado dhisida iyo ceelal  Qodid  oo Ha’yada NCA ay ka waday mudo shan bilood ah Gorowe  iyo tuulooyin ku dhow dhow sida Birta dheer iyo balley.

Ujeeda tababarka  oo aha in lagu wacyi galiyo dadkii ka faa’iidaystay mashruuca sida ay u ilaali lahaa yeen nadaafada berkadaha iyo ceelasha loo dhisay.

Waxaa furay tababarka haykal daahir omar iyo masuul ka ahaa mashruucan kana socday Ha’yada NCA, kasoo  ka hadlay waxtarka uu tababarku leeyahay  kuna dhiiri galiyey inay ka faa’iidaysan doonan fursadan Qaaliga ah.

Waxaa kaloo meesha ka hadlay masuul ugu sareeya Ha’yada NCA puntland iyo muqadisho M.R YUUSUF C/QAADIR, kaas  aad ugu mahad celiyey dhamaan ka soo qayb galyasha tababarkan gaar ahaan ku simaha agaasimaha guud ee wasarada waxbarashadda ahna agaasimaha tababarka iyo mashaariicda MAXAMED CALI FAARAX oo isagana goob joog ka ahaa.

Waxa uu intaas ku daray Maxmed cali faarax in NCA aysan u qaban tababarkan in la soo xadiro ay tahay in laga faa’iidaysato laguna dhaqmo waxna laga badelo meelihii laga yimi.

DAAWO SAWIRADII HOOLKA SHIRAKA KA DHACAY.

DEEQ HUREVOV HEAD OF MEDIA UNIT

MINISTRY OF EDUCATION OF PUNTLAND.

Scroll to Top