Tababar kor loogu qaadayo Akhris-Qoris la’aanta Caruurta oo ka dhacay Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

13-Jully-2014, waxaa ka furmay Hallka shirarka ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland tababar looga hadlayo kor uqaadida wax akhrinta carruurta  dhigata fasalada kowaad iyo labaad ee dugsiga hoose.

Tababarkaan oo socon doona muddo 6-maalmood ah waxaa  ka qayb qaadanaya 50-macalin oo ka kala socda guud ahaan goballada Puntland.

Aqoon is-waydaarsigaan waxaa fulinaya Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo kaashanaysa hay’adda African Education Trust ‘’ AET’’  waana tababar sanadkiiba mar loo qabto macalimiinta si kor loogu qaado wax akhrinta carruurta .
Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland   Axmed Maxamud Warsame ‘’ Saahid ‘’ oo daah furay aqoon is-waydaarsiga ayaa ka hadlay faaidada uu leyahay in carruurta la baro wax akhrinta, wxuuna agaasimuhu sheegay  in carruurta lagu bar-baariyo inay iyaga oo da’ yar ay wax akhrin karaan si loo helo carruur  da’doodu yartayahay oo wax akhrin kara. Agaasimaha ayaa sidoo kale la dar-daarmay macalimiintii ka qaybgalaysay tababarkaan isagoo macalimiinta kula dar-daarmay in macluumaadka ay ka helaan tababarkaan ay gaarsiiyaan carruurta si loo ciribtiro wax akhrin la’aanta carruurta.

Sidoo kale waxaa asna goobta hadal dheer oo isugu jira dar-daaran ka soo jeediyey Madaxa dugsiyada sare ee hay’adda AET  Cabdullahi Nuur Salaad iyo Maxamed Cali W waxa uu Cabdullahi kula dar-daarmay in kor loo qaado tayada wax akhrinta carruurta iyo in Macalimiintu ay carruurta gaarsiiyaan wixii ay ka barteen aqoon is-waydaarsigaan , sidoo kale waxa uu sheegay  Cabdullhi Nuur Salaad in aan wax isbadal ah lagu samayn macalimiintii tababarkaan uu usoo socday mudada saddexda sana ah si loo helo macalimiin xambaarsan guud ahaan xogihii laga helay intii  uu socday tababarkaan.

Tababarkaan kor loogu qaadayo wax akhrinta carruurta ayaa ah mid sanadkiiba mar la qabto, iyadoo uu sanadkaan yahay sanadkii saddexaad oo la qabto aqoon is-waydaarsigaan.

Hoos ka Daawo Sawirada.

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top