Tababar Afar Maalmood soconayey oo Gaalkacyo lagu soo xiray.(EMIS)

12/07/2014, Maalinkii Khamiista ee 10-Jully-2014, waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarrunta Gobalka Mudug kusoo xirmay Tababar socday  4-maalmood oo ay ka faaidaysanayeen 90-macalin oo kamida barayaasha dugsiyada Hose Dhexe  ee deegaanada gobalka Mudug.
Tababarkaan oo lagu baranayey  Kaydka iyo arruurinta xogta dugsiyada Puntland ayaa  waxaa ka faaidaystay 90-macalin ee ka kala socday guud ahaan Degmooyinka hoosyimaada Gobalka Mudug.

Aqoon is-waydaarsigaan oo ay sanad walibo qabato Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland ayaa  soo socday saddexdii sano ee ugu danbaysay.
Kaydka iyo xogaha laga aruuriyo Iskuulada guud ahaan Puntland ayay wasaaradda Waxbarashadu u badashaa Buug  iyo xog taas oo ay ka faaidaystaan iskuulada, Deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo cid kastoo u baahan inay wax ka ogaato xogta iskuulada dowladda Puntland.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Mudug Bashiir Axmed Khalaf, dhamaan gudoomiyayaasha waxbarashada degmooyinka iyo saraakiil ka socotay  Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa goobjoog ka ahaa tababarka oo 4-maalmood oo xiriir ah ka soconayay magalada Galkacyo ee Gobalka Mudug.
Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Mudug Bashiir Axmed Khalaf oo xiritaanki tababarka ka soo jeediyey hadal dheer ayaa kula dar-daarmay dhamaan ka soo qaybgalayshii barnaamijka ee ahaa macalimiinta Dugsiyada Hoose Dhexe ee gobalka Mudug inay ka faaidaystaan duruusta ay ku barteen aqoon is-waydaarsigaan, wuxuna sheegay  gudoomiyuhu in laga mira dhaliyo aqoontii laga dhaxlay tababarkaan socday mudada 4-maalmood ah .
Tababaradan oo ay fuliso wasaaradda waxbarashada Dowladda Puntland ayaa ah kuwa la doonayo in kor loogu qado tayada macalimiinta Dowladda Puntland .
Tababarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli wasaaraddu ay wado  hawlo ay kor ugu qaadayso  hanaanka waxbarasho ee dowladda Puntland.

 

        HOOS KA DAAWO SAWIRADA 

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

Scroll to Top