STOCHOLM : Wasiirka Waxbarashada Puntland iyo Lataliyaha Wasaaradda oo la kulmey SIDA iyo Diakonia

Stocholm:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Saciid (Juxa) iyo Lataliyaha Wasaaradda  Sahro Axmed Koshin ayaa la kulmey masuuliyiinta sarsare ee hay’adaha sida weyn u taageera Puntland gaar ahaan dhanka Waxbarashada ee SIDA iyo Diakonia waxaana laga wadahadley taakuleynta dhaqaale iyo horumarka Waxbarashadda Puntland.

Masuuliyiintan waxay la kulmeen Agaasimaha SIDA  Bengt Johansson  iyo koox la shaqeysa iyo Agaasimaha Diakonia Bo Forsberg.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa masuuliyiinta hay’adaha waxa uu uga waramey horumarka ballaaran ee Wasaaradda Waxbarashada gaartey, carqaladaha jira iyo muhiimada ay u leedahay Waxbarashada Bulshada qaybtaas oo Wasiirku  ahmiyad gaar ah siiyey, waxaa kaloo uu kala hadley Siyaasadda Waxbarashada Puntland (Eductation Policy) iyo Road Map.

Sahro Axmed Kooshin, ayaa halkaasi ku soo bandhigtey fursadaha ay iminka heystaan hablaha Soomaaliyeed iyo carqaladaha heysta hablaha ee dhanka Waxbarashadda.  Dhammaan qodobadii laga wadahadley ayaa  si wanaagsan la iskula afgartey.

 


SIDA iyo Diakoniya, ayaa dhaqaale badan ugu deeqay Ummadda Soomeeliyeed waxaya si wayn u taageeraan dhanka Waxbarashada iyo maamulwanaaga.

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top