STOCKHOLM : Wasiirka Waxbarashadda PL iyo Lataliyaha W. Waxbarashada Puntland oo si weyn loo soo dhaweeyay

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntlad Mudane Cabdi Faarax Saciid (juxa) iyo Lataliyaha Wasaaradda Waxbarashadda Puntland Marwo Sahro Axmed Koshin oo todobadkan shaqo ku joogey dalka Sweden ayaa si diiren ay halkaasi waxaa ugu soo dhaweeyay Jaaliyadda Puntland kuwaas oo qado-sharaf u sameeyay.

Wasiirka iyo Lataliyaha ayaa xog buuxda ka siiyay Jaaliyada Puntland ee Stochlom iyaka oo uga waramey geedi socodka Waxbarasho Puntland, guulaha la gaarey, kuwa la hiigsanayo iyo kuwa mustaqbalka la qaban doono.


Qadasharaftan, oo ay ka soo qaybgaleen in dad gaaraya 200  ayaa aad ugu hambalyeeyay masuuliyiintan shaqada adag ee ay Ummadda reer Puntland u hayaan iyo waxyaalaha muhiimka ah ee ay qabteen, waxayna ballan qaadeen in ay si buuxda taageero u siin doonaan.

Masuuliyiinta, Wasaaradda Waxbarashada ayaa horey kulamo ula yeeshey Jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan magaalada labaad ee dalka Sweden ee Gothenberg halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

 

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top