Soodhawayntii Murwo Sahro Ahmed Koshin La Taliyaha WWB Puntland ee dalka Holland QAYBTI 1AAD 19/11/1

Waxaa maanta xaflad soo dhawayn ah loo sameeyay , Murwo Sahro Ahmed Koshin

oo ah lataliyaha wasaarada waxbarashada puntland,ahna hawlwadeenka Puntland Education fund (PEF),

waxaa xafladaas kasoo qaybgalay jaaliyada dagan wadankan Holland, gaar’ahaan magaalada leiden oo ahayd meeshii xaflada lagu qabtay,

Sahro oo markiiba makarafoonka lagu soo dhaweeyay ayaa waxa ay uga warantay xaalada soomaaliya ay hada marayso xaga waxbarashada, iyo intii ay u shaqaynaysay wasaarada waxbarashada puntland, waxa ay ku kordhisay wax qabadka wasaarada, iyo kaalinta qurba joogta laga rabo in ay buuxiyaan.

Hadaladeedii waxaa kamid ahaa…

”Halkan waa magaaladaydii iyo hoygaygii labaad, intiina i horfadhida waa saaxiibaday aan ku wada noolayn wadankan Holland.

Sababta aan ugu soo hormarayna in aan idinla kulmo waa jacaylka aan idiin qabo iyo is aragiina oo qiima wayn iigu fadhiya, waxaan tagi doonaa waqtiyada soosocda wadamo ay kamidyihiin, jabuuti,Norway,Sweden,Denmark, iyo UK oo aan ka tagi doono London,brimmingham,lester, iyo Bristol.

Waxaan u helnay arday gaaraysa 186 gabdhood in ay helaan waxbarasho lacagaha laga bixiyo, oo ay isugu jiraan dugsiyada hoose,dhexe,sare iyo jaamacadaha intaba.

Waxaa lagu kala soocayaa gabdhahaas in ay ahaadaan gabdho aan awoodin in ay iska bixiyaan fiiga iskuulka, faqri ah,sabool ah, agoon ah, rajo ah IWM.

Waxaan kaloo wadnaa wiilal iyo gabdho in aan u helno waxbarasho jaamacadeed gudaha iyo dibadaba

oo ah kuwa ku baasa buundoonyinka sarsare,si aan mooralka ardayda u dhisno,

waxaanan rabnaa jaaliyada dibada ee puntland ama somaaliyeed in ay gacan ka gaystaan sidii ay dhalinyaradaas waxbarasho u helilahaayeen, sida kuwiina  halkaan jooga ay u haystaan waxbarasho lacagla’aan ah oo kale”

Waxaa xusid mudan in Murwo Sahro soo bandhigtay wax qabadka WWX iyo PEF oo video iyo sawiro intaba leh, oo ay dadkii ku qanceen wax-qabadka wasaarada iyo wasiirka waxbarashada oo ay kamuuqatey hawlkarnimo iyo wadaniyad dhab ah,

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay xubno firfircoon oo aqoonyahano iyo madaxda  jaaliyadaha somaaliyeed isugu jiray,

waxay kasoo qaybgalayaasha xafladan ka codsadeen sahro in ay PEF aysan ku koobin puntland oo kaliya ee ay ku fidiyaan cariga somalida oo dhan,

 

Waxaa kaloo xusid mudan buraanbur aad u qiimo badnaa oo ay tirisay xaajiyo khadiijo, taas oo ay ku amaanaysay waxqabadka     iyo firfircoonida murwo sahro iyo wasaarada waxbarashada puntland, oo ay ka muuqatay tilmaan kudasho mudan, 

Waxa ay aad uga mahadceliyeen dadkii xafladaas ka soo qaybgalay sida ay warbixinta u siisay sahro.

Waxayna balanqaadeen inay gacan ka siin doonaan oo ay garab istaagi doonaan murwo sahro shaqooyinka ay u qabanayso dhalinyarada da’da yar ee aan awoodin in ay waxbartaan,

 

Gabagabdii shirkawaxa ay ku khatimeen duco aad u dheerayd oo ay murwo Sahro Ahmed ugu duceeyeen in ilaahay ka ajar siiyo sida daacadnimada ah ee ay ugu shaqaynayso dalkeena iyo dadkeena.  

     

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit


Scroll to Top