WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND OO LAGU SOO BANDHIGAY BUUGAAG AY QOREEN KHUBARO U DHASHAY PUNTLAND

Hoolka shirarka Wasaaradda waxbarashada ee puntland ayaa waxa lagu soo bandhigay Buugaag ay qoreen khubaro reer puntland ah.

Shirkaa ayaa waxaa ka soo  qayb galay Wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno ka tirsan xukuumadda Puntland, Aqoonyahanno, bulshadda qaybaheeda kala duwan iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda, Sidoo kale waxa ka soo qayb galay wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno.

Ugu horeyntii waxaa shirkaa furay wasiirka wasaarada waxbarashadda mudane CABDI FAARAX SICIID(JUXA), oo halkaa ka soojediyey hadalo qiimo leh oo ku saabsan muhiimadda ay wax qoristu leedahay iyo ilaalinta taariikhdu umadda ay u leedahay.

Intaa kadib Wasiirku waxa uu ku soo dhaweyey Wasiirka war faafintahttp://www.moepuntland.com/soo-bandhigii-buugaagta-ee-lagu-qabtay-wasaarada-waxbarashada-puntland/ ee puntland ahna qoraa caan ah oo laga yaqaan mandaqada Geeska africa isla markaana ah qoraaga qoray buuga oo magciisa la yiraahdo JAMHUURIYADDA FEDERALKA EE XOOLAHA SOOMALIYEED.

Qoraaga ayaa waxa uu sheegay dulucda qooralkiisa isaga oo sheegay in ay sheekadanii ka turjumayso xaqiiqda ka jirta soomalia iyo gaar ahaan dhanka siyaasadda, deegaanka iyo dhaqaankaba.

Inta lagu guda jiray shirkaa ayaa lagu soo bandhigay buugag farabadan oo ay qoreen dad kala duwan, buugaagtaas ayaa waxa kamid ah :

1- SOOMALIYA DAD IYO DAL – WAXA QORAY SHIDAAL

2- MADAGANAYAASHA –  WAXA QORAY WASIIRKII HORE EE WASIIR DOWLAHA TASTUURKA IYO ARIMAHA FEDERLKA PUNTLAND, ALLE HA U NAXRIISTE  JIMCAALE.

3-QAB IYO QUURSI- WAXAA QORAY WASIIRKA WASAARADA WAXBARASHADA EE PUNTLAND,  CABDI FAARAX SICIID (JUXA).

4-WAAYO ARAGNIMADAYDII -WAXAA QORTAY WASIIRADII HORE EE HAWEENKA PUNTLAND, CAASHO GEELE XIRSI.

5-DAGAALKII OGAADENIYA – WAXA QORAY SAADIQ EENOW.

6- KOBACII ISLAAMINTA -WAXA QORAY WASIIR DOWLAHA PUNTLAND , CABDI SHAKUUR MIRE AADAN.

7-HOYIGII SAMATABIXINTA- WAXAA QORAY AXMED MAXMED CALI(AXMED KISMAYO)

8- LIIBAANTA QOYSKA -WAXAA QORAY C/RISAAQ CIIRO,

iyo buug lagu magcabo SHEEKO IYO JAMHUURIYADDA XOOLAHA SOOMALIA oo uu qoray mudane   Axmed shiikh jaamac.

Guud ahaan buugaan maanta la soo bandhigay ayaa ah kuwa muhiim ah taariikhdda ,dhaqnka iyo afka soomaliyedba , islamrkana ka turjumaya marxaladaha kala dawan ee uu soo maray wadanka soomalia hab dhanka, dhaqaale, siyaasadeed iyo mid deegaanba,

DAAWO SAWARADA.

DEEQ HUREVOV HEAD OF MEDIA.

MINITRY OF EDUCATION PUNTALAND SOOMALIA.

CONTACT NUMBER- +25257743400.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top