Socdaalki La Taliyaha Wasaarada Waxbarashada Marwo Sahro Ahmed Koshin Ee Magaalada Birmingham

Waxaa ayaantaanba xaflado isdaba jooga loo samaynayay Murwo Sahro Ahmed Koshin, oo ah lataliyaha wasaarada waxbarashada puntland ee xaga harumarinta dumarka

waxa ay xafladihii ugu danbeeyay ka dhaceen meelaha kala ah brimmingham,lester,iyo london oo marlabaad ay casumaad casha ah u sameeyeen murwo sahro gabdhaha qurba joogta ah ee puntland, ayadoo ay kasoo qaybgaleen jaaliyada halkaa dagan ee somaliyeed gaar ahaan puntland,
waxayna u dhaceen si isku mid ah oo ay ka qaybgalayaashu u riyaaqee.

Waxaa khudbad dheer ka jeediyay Marwo Sahro Ahmed Koshin, oo faahfaahin kabixisay waxqabadka wasaarada iyo waliba meesha ay wax u marayaan, ayadoo filimaan iyo masawiro laga soo duubay waxqabadkii wasaarada ay  Murwo Sahro uga soo daysay oo ay jaaliyadu daawadeen, waxaa intaa daba socday in ay faahfaahin badan ka bixisay guud ahaan wixii u qabsomay labadii sano oo u danbaysay iyo waxa harsan iyo waliba ugu danbayntii in ay jaaliyadu buuxiso booska uga banaan horumarinta waxbarashada,

Waxaa kaloo intaa dheeraa in ay ku baraarujisay qurba joogta in ay wadankii cagta dhigaan oo aan looga sheekayn, waxa ay tiri ”wadanku waxa uu u baahanyahay, dhaqaalihiina,maskaxdiina,

aqoontiina,iyo ilbaxnimadiina”
ayadoo Murwo sahro u iftiimisay wadanku in uu nabadyahay oo aanay waxba ka jirin waxyaabaha laìnii sheegayo, oo aad ku noolaankartaan idinka iyo caruurtiinaba.Kadibna waxaa hadaladii qaatay jaaliyada xubnaheedii ugu firfircoonaa oo isgu jiray aqoonyahano iyo waxgarad kaleba, waxa ayna kuligood hoosta ka xariiqeen in ay la shaqayndoonaan wasaarada waxbarashada puntland, aadna waxa ay ula dhaceen sida hufan oo xaqiiqda ah lana rumaysankaro oo Murwo Sahro warbixinta u siisay, ayagoo sii raaciyay inaysan wali arag intii wafuud ka imanjirtay somaliya ama puntland oo sidan oo kale wax u fahamsiinkarta bulshada qurbajoogta ah,Waxaa cajiib ahayd mar aan warasi la yeeshay qurba joogtii ka soo qaybgashay xafladan Murwo Sahro meelihii kala gadisnaa, su`aal aan waydiiyay oo ahayd sidee u aragtaan sahro iyo waxyaabaha ay ka hadlayso, waxa ay iigu jawaabeen ”sahro waa halyay Puntland usoo kacay, hadii Puntland ay helilahayd 10 qof oo noocaan oo kala ah ama 5 waxaan hubnaa in aan meel sare gaari lahayn” 

 

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Media Unit
Scroll to Top