Shirweyne looga hadlayo dib U egida Waxbarashada Puntland oo Garowe ka furmay

SHirweyne balaaran oo looga hadlayo dib u eegida Waxbarshada Puntland oo ay kaso qaybgaleen Madaxweyne ku xigeenka Puntland,xubno ka tirsan Golaha Xukuumada,Mas’uuliyiin ka socda deeq bixiyaasha Caalamka,Saraakiil ka socda Hay’ada the Children iyo Care International iyo marti sharaf kale ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.        Wasiirka Waxbarashada Puntland DR. CALI XAAJI WARSAME IYO PROF: MAXAME  CALI FAARAX Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada  oo ka hadlay shirka ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay deeq bixiyaasha Caalamka,kuwaas oo uu ku amaanay doorka hormarineed ee ay ka gaystaan tayaynta Waxbarashada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Puntland ayaa sheegay in Wasaarada Waxbaarshada Puntland ay samaysay Sanduuq loogu talagalay in lagu ururiyo Dhaqaale wax lagu baro Ardayda danyarta ah ee aan awoodin dhaqalo ay ku bixiyaan Waxbarashada.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka hadlay shirka ayaa balan qaaday in Deeq bixiyaasha ay arki doonaan qaabka wax qabadka deeqaha ay bixiyaan.

Wuxuu intaas ku daray Madaxweyne ku xigeenka Puntland in Dowlada Puntland ay la xisaabtami doonto Wasaarada Waxbarashada iyo Wasaaradaha kale ee dalka.

Deeq bixiyaasha ayaa balan qaaday in Dowlada Puntland ay ka caawin doonaan hormarinta Waxbarashada.

Deeq bixiyaasha ayaa markii hore ku soo hormaray iskuulka dugsi hoose dhaxe ee darwiish kormeer ay ku eegayeen baaahida ka jirta Waxbarashadda puntland,

Xafladda lagu qabtay Xarunta PRC ayaa waxa sifiican u soo agaasimay SHaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland, iyagoo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada caan ku ahaayeen shaqooyinka noocas ah.

Shirwaynaha Waxbarashada Puntland looga hadlayo ayaa waxa uu soconyaa mudo labo maalmod ah, Waxana soo xiraya Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda puntland DR. CAli XAAJI WARSAME,

DAAWO SAWIRADII SHIRKA LOOGA  HADLAYEY IYO KUWII AIRA PORKA LOOGU SOO DHAWEYEY WAFTIGA. 

Deeq Maxamed Warsame

Wasaarada Waxbarashada Puntland- Soomaliyeed,

Contact Number+2525743400

 

 

 

 

 

Scroll to Top