Shirkii billaha oo u dhaxeyey Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare iyo hay’adaha Taageera Waxbarshada oo qabsoomay.

14/jan/2015, Waxaa Maanta xarrunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland ka dhacay shirkii billaha ahaa ee ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adaha la shaqeeya yeelan jireen, shirka oo la qabto bil walba ayaa waxaa looga wada hadlaa  Fulinta iyo hirgalinta Mashaariicda Socda, ilaalinta Tayada mashaariicda iyo  xallinta caqabadaha ka hor yimaada mashaariicda socda.
Shirka ayaa Todobaadkaan ka duwanaa shirarkii hore waxaana lagu lafa guray mashaariicda Waxbarashada ee sannadka cusub 2015  Waxaa shirkaan shir gudoominayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare wuxuuna shirku ku soo dhamaday jawi wanagsan iyo is afgarad laga gaaray wax ka qabashada qodobada looga hadlayey shirka kor ku xusan.

shirkaan ayaa waxaa looga dooday Qodobadan soo socda.

1. Dib u eegid Natiijadii shirkii hore iyo waxyaabihii hore..

2. u diyaar garowga Shirka Qiimeynta Waxbarashada Dalka (JRES)

3. Qaabeynta Wax-qabadyada sannadka 2015 iyo isku xirkooda

4. Waxbixin kooban oo manhajku meesha uu marayo.

5. Waxbixin kooban oo ah Higsiga Cusub (New Deal)

6. Maalgalinta Midowga Europe ee Waxbarasha ee socota.

7. Wixii kale ee Muhiim ah ee ka maqan Agendaha.

Hoos Ka Daawo Sawirada ka soo Qaybgalaysha shirka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

Scroll to Top