Shirkii billaha oo u dhaxeyey Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare iyo hay’adaha Taageera Waxbarshada oo qabsoomay.

11/feb/2015, Waxaa Maanta xarrunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland ka dhacay shirkii billaha ahaa ee ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adaha la shaqeeya yeelan jireen, shirka oo la qabto bil walba ayaa waxaa looga wada hadlaa  Fulinta iyo hirgalinta Mashaariicda Socda, ilaalinta Tayada mashaariicda iyo  xallinta caqabadaha ka hor yimaada mashaariicda socda.
Shirka ayaa Todobaadkaan ka duwanaa shirarkii hore waxaana lagu lafa guray mashaariicda Waxbarashada ee sannadka cusub 2015  Waxaa shirkaan shir gudoominayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Axmed Cabdi cali shire (Axmed Keyse) wuxuuna shirku ku soo dhamaday jawi wanagsan iyo is afgarad laga gaaray wax ka qabashada qodobada looga hadlayey shirka kor ku xusan.

shirkaan ayaa waxaa looga dooday Qodobadan soo socda.

1. furitaan Iyo Soo dhawaynta.

2. u diyaar Garowga Shirka Qiimeynta Waxbarashada Dalka (JRES) oo laqabanayo Bisha 3aad Ee Maarso

3. Dib u Eegis Qoda Qodabadii Shirkii hore Ee  Janaayo 2015

4. Siyaasadda Agabka Wasaaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare oo uu Kamid Yahay kidka dugsiyada sida Buugta, Sabuuradaha, Jeestooyinka Qalimaanta iyo Clanadaradda iskuuladda.

5. Waxbarashada Xaladaha bina Aadanimadda oo looyaqaan  (Education Emergancy)

6. Wixii kale ee Muhiim ah ee ka maqan Agendaha.

Hoos Ka Daawo Sawirada ka soo Qaybgalaysha shirka.                                                                                           

Scroll to Top