Shirkii Billaha ahaa ee ku Saabsanaa Xiriirinta Arrimaha Waxabarashada oo Qabsoomay.

13/08/2014,Kullan ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen Maamulka Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimayaasha Waxayaha kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashada,qaar kamida hawl-wadeenada Wasaaradda Waxbarashada   iyo wakiilada hay’adaha la shaqeeya Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee wasaaradda waxbarashada xarrunteeda Garowe.
Shirkaan oo ah shir bille ah bishiina mar la qabto ayaa waxaa xoogga lagu saara halka ay marayso shaqada Wasaaradda iyo hay’adaha la shaqeeya iyo waxyaabihii qabsoomay.
kalfadhiga bishaan  ayaa looga hadlay  Shan qorshe kuwaas oo kala ah :

  1. Dardar galinta mashaariicda kala duwan ee hadda ka socota wasaradda waxbarashda Puntland iyo kuwa soo socda.
  2.  Hormarinta manhajka dugsidayda Hoose  ee Puntland iyo xoojinta kormeerka waxbarashda  iyadoo xilligaan sanad dugsiyeedkii 2014-2015 uu bilowday
  3.  Baahida loo qabo helitaanka buug cadadkoodu gaarayo 10,000 ‘’ Tobban-kun ‘’ kuwaas oo lagu diiwan gallinayo  ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe  ee sanadkaan
  4.  Waxaa intii shirku socday warbixin laga dhagaystay hay’adaha la shaqeeya wasaaradda waxbarashada ee kala ah :
  • UNICEF
  • SAVE  THE CHILDREN
  • CARE INTERNATIONAL

Warbixinta laga dhagaystay hay’adahaas waxay  ku saabsanayd mashaariicda hadda ka socda wasaaradda ee ay wadaan hay’adahaas.

5- Kullanka ayaa sidoo kale looga hadlay siyaasadda cusub ee dowladda Puntland ku qaadayso cashuuraha iyo sidii wasaaradda waxbarashadu ugu hoggaan sami lahayd una fullin lahayd shuruucdaas.

Kullanka ayaa intii uu socday waxaa si aada loo falanqeeyey qodobadii lagu soo bandhigay kullanka iyadoo lagu ballamay in qodobadaas wax laga qabto , waxaana waxqabadka qodobadaas wasaaradda iyo hay’adaha la shaqeeyaa ay soo bandhigi doonaan bisha soo socota .

Hoos ka daawo sawiradda.

 

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top