Waxaa kulan iskugu yimid xaruta wasaradda waxbarashadda Puntland ee Garowe masuuliyiinta Wasaaradda iyo saraakiil ka socdey hay’adaha Waxbarashadda ku hawlan.
shirkaa ayaa waxaa furay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada puntland xoogana saaray sidii loo xoojinlaha kormeerida xarumaha waxbarashada.
Waxa uu kala uu ka hadlay wasiir ku xigeenku Prof Maxamed Cali Faarax sidii loo midayn laha dhaman qorshayasha mashaariicda kala duwan, kuwaas oo ay fulinyaan ha’yadaha kala duwan si looga hortago isbar baryaca arimaha ku saasabasn hormarinta waxbarashadda.
shirkaan ayaa waxaa la qabtaa bishii mar oo hay’adaha la isgu yeraa,
shirkaan ayaa laga dooday wax yabihii u qarsoomay Wasaaradda Waxabarashadda iyo wax yaalaha la qabanayo,
Waxana shirkaan xariirye ka ahaa ku simaha agaasimaha guud Axmed Maxamed Warasme iyo ha’yada Unicef ee waxbarashada puntland mudo taageraysay.
shirkaa ayaa waxaa looga dooday dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin waxbarashada.
1. Waxbar cunug oo ay keenatay ha’yada unicef oo ka shayqaynaya 7 dagmo oo kala ah, degmada Xaafuun, Qandala. Caluula, Jariiban,Laasqoray,Bender bayla. waxana fulinayaa NGOda la shaqeeya wasaarada waxbarashada oo maxali ah oo ay kamid yihiin Dandor iyo Somali family Service, iyo Shirkon.
2.Manhajka dugsiyadda hoose/dhaxe meeshu maryey iyo kormeerka iskuuladda.
3.Tacliinta sare meesha ay marayso
4.Waxbarashada haweenka ee Wasaaradda Waxbarashadda.
5.Iyo sidii Mashaariicada Waxbarashada loo midayn laha.
6. Iyo Farsamada Gacanta sidii loo hormarila laha.
Shirkaa ayaa saacado badan socaday oo ka duwanaa shirarkii bilayashii hore la qaban jiray wasaaradaa waxbarashadd,
Shirakaan waxaa waxa uu caan ku ahaa in luuqada englishka looga hadlo lakiin waxaa looga hadalay luuqadeena hooyo oo afka Soomaliga ah, waana markii ugu horaysay oo looga hadlo afka soomaliga shirkaa, waxana arintaa soo jeediyey ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada ee puntland Aaxmed Maxamud Warsame.