Shirkii Asbuuc laha ahaa ee Dhammaan Shaqallaha Wasaaradda Waxbarashadda oo qabsoomay.

Garoowe: Shirkii shaqaalaha xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashadda ee asbuuc laha ahaa ayaa si habsami leh u qabsoomay. Shirkaan ayaa waxa uu ka dhacay hoolka shirarka ee Wasaaradda. Kulankaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Waxbarashadda ee Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame, Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda Mudane Dr. Maxamed Cali Faarax iyo ku simaha agaasimaha Waxbarashadda Mudane Axmed Maxamuud Warsame, sidoo kale waxaa shirkaas goob joog ka ahaa agaasime waaxyeedyada kale duwan ee wasaaraddu ka kooban tahay.

Shirka waxaa lagu furay ayaadaha Quraanka Kariimka ah waxaana akhriyay Mudane Axmed Saahid. Intaa ka dib Wasiirka WW ayaa waxa uu shaqaalaha wasaaradda uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo qayb galeen shirkaan.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in asbuucii lasoo dhaafay waxyaabihii lagu heshiiyay oo ay ka mid ahaayeen wakhtiga shaqada la soo xaadirayo iyo wakhtiga laga baxayo ay ka soo baxday warbixino tilmaamaya in shaqaaluhu ay la qabsadeen wallow, uu carabaabay in sidii la rabay aysan weli ahayn.

Mudane Cali  Xaaji waxaa kale uu ka hadlay in uu magacaabayo gudi u kuur gali doona xaaladda dhaqaalle (Mushahaar) ee dhamaan shaqaaluhu ku sugan yihiin iyo sidoo kale in ay xaqiijiyaan tiradooda guud.

Dhammaan madaxda wasaaraddu waxa ay ka sharqamiyeen in ay jiraan is barbar yaac hawlaha ku saabsan ee wasaaraddu la fulinayso hayadaha kala duwan taas oo ka dhigaysa in wasaaraddu aysan hanan karin lahaanshaha waxbarashadda Puntland.

Waxaa la isku raacay in la mideeyo hawlaha kala duwan ee ay qabanayaan hayadaha waxbarashadda ka shaqeeya.

Shirkaan waxa ka soo baxay sidii loo samayn lahaa qorsha hawleed ku salaysan muddo lix bilood ilaa sanad ah, kaaso ay ku cad yihiin hawlihii laga qaban lahaa waax walba iyo cidii wada qaban lahayd, waxaana arintaa lagu soo bandhigayaa shirarka soo socda ee wasaaradu la gali doonto hayadaha waxbarashadda ku hawlan.

Qorsha hawleedkaa guudna waxaa la isku afgartay in la dhamaystiri doono bisha soo aadan ee April, 2014.

Shirkaan waa shirkii saddexaad ee ay isku xog waraystaan shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda iyo madaxda sare.

Daawo Sawiradii kulankii Sadexaad ee Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Contact Number+2525743400

 

 

Scroll to Top