Shirkii 4aad oo Dib u eegista Waxbarashada Puntland oo soo ka soo xirmay Magalada Garowe.

 

17\january\ 2017- Shirweynaha 4aad ee dib u eegista waxbarashada Puntland ayaa maanta oo ka soo xirmay magaalada Garowe waxaana ka qeybgalay wafuud ka socota Dowladda Federalka Soomaaliya, Maamulladda dalka, Hay,addaha bahwadaagta la ah Wasaaradda iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo shalay daahfurtey shirka ayaa maanta si guula ku soo dhamaday.
 
Hal ku dhiga sanadkaan ayaa loogu magac daray “Abaabulka khayraad laga wada Faaii’dayto si loo helo Waxbarasho Tayo Leh oo loo dhan yahay” wuxuuna socoday shirku muddo labo maalmood ah , waxaana si gaar ah loogu casumay bahwaadgta waxbarashada iyo Khubaro dhanka waxbarashada ah iyo aqoonyahano , dhamaantood ku lafa guri doona mudada uu socdo shirku dib u eegis lagu sameynayo waxbarashada iyo waxyaabihii u qabsoomay Puntland sanadka 2017.
 
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa ugu horeyn madasha shirku marku shalay furamy kasoo jeediyay waxqabadka Wasaaradda Waxbarashada Puntland sanadkii lasoo dhaafey, wuxuuna sheegay inay wax badan u qabsoomeen sidoo kalena wax badan ay weli qabyo yihiin.
 
 
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise oo ka hadlay Xiritaanka shirkan ayaa sheegay inay guulo waaweyn ka gaareen toosinta hanaanka waxbarashada,horumarinta balaarinta,hirgalinta manhajka waxbarashada,tababarka macalimiinta,kormeerka iyo Imtixaanaadka Puntland.
 
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sareYaasiin Cabdi Seed ayaa sheegay in dowladdu ay ku bixiso miisaaniyad 70% ah waxbarashada dalka,wuxuuna carabka ku dhuftay inay xooga saari doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa Waxbarashada Puntland, Isagoona kula dardaarmay masuuliyiinta Wasaaradda inay sii xoojiyaan dadaalkooda.
 
Waxaa uu dhamaan u mahadnaqay shaqaalihii shirka sida fiican u soo abaabulay.
 
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Prof Abshir Awyuusuf Ciise ayaa sheegay in sanadkii tagey 2017 Wasaaradiisu dardar galisa 60% qodobadii kasoo baxay shiweynihii 3aad , Islamarkaana inta ka dhiman sanadka 2018 ay rajaynayaan inay dhamaystiraan.
Hoos Ka Daawo Sawiradda.
 By; Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.
Scroll to Top