Shirkii 3aad oo Dib u eegista Waxbarashada Puntland oo ka furmay Magalada Garowe.

29/11/2016-  Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Camay ayaa maanta ku daahfuray magaalada Garoowe shirweynaha 3-aad ee dib u eegista Waxbarashada Puntland.

Hal ku dhiga sanadkaan ayaa loogu magac daray “XOOJINTA NIDAAMKA WAXBARASHO OO WAX KU OOL AH” wuxuuna socon doonaa shirku muddo labo maalmood ah , waxaana si gaar ah loogu casumay Gudoomiyayaasha waxbarashada gobalada Puntland,Macalimiin,Khubaro dhanka waxbarashada ah iyo aqoonyahano , dhamaantood ku lafa guri doona mudada uu socdo shirku dib u eegis lagu sameynayo waxbarashada iyo waxyaabihii u qabsoomay Puntland sanadka 2016.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise oo ka hadlay furitaankii shirkan ayaa sheegay inay guulo waaweyn ka gaareen toosinta hanaanka waxbarashada,horumarinta balaarinta,hirgalinta manhajka waxbarashada,tababarka macalimiinta,kormeerka iyo Imtixaanaadka Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay oo anddaahfuray shirkan ayaa ku amaanay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dowlada Puntland horumarka balaaran ee ay ka gaartay doorka fidinta tacliinta deegaanada Puntland.

Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Camay ayaa sheegay in dowladdu ay ku bixiso miisaaniyad 70%  ah waxbarashada dalka,wuxuuna carabka ku dhuftay inay xooga saari doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa Waxbarashada Puntland, Isagoona kula dardaarmay masuuliyiinta Wasaaradda inay sii xoojiyaan dadaalkooda.

Hoos Ka Daawo Sawiradda.

img_8146img_8161img_8167img_8170img_8172img_8174img_8177img_8179img_8184img_8186img_8188img_8190img_8192img_8193img_8202img_8205img_8207img_8210img_8212img_8217img_8218img_8219img_8223img_8225img_8241img_8245img_8248img_8254img_8257img_8258img_8259img_8261img_8264img_8281img_8292img_8296img_8317img_8322img_8324img_8326img_8328img_8340img_8347img_8348img_8357img_8373img_8375img_8376img_8377

Scroll to Top