Shirka Wada tashiga oo maanta lagu wado in uu ka furmo Garoowe.

Waxaa maanta la filayaa in si rasmi ah uu uga furmo magalaada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal shirka Wada tashiga  ee Dhameys tirska Qabyo qoraalka Dastuurka heer qaran ee Soomaaliya.

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka puntland ayaa la filayaa in maanta uu ka furmo shirka Wada tashiga ee looga hadlayo qodobo dhowr oo uu ugu horeeyo dhameys tirka Dastuurka iyo arrimo kale.

Wararka aynu ka helleeno halka uu  maanta shirka ka furmayo ayaa sheegaya in si weyn loo diyaariyay dhammaan agabka loogu tala galay ergada ka qeyb galeysa shirka.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale lagu wadaa in maanta magaalada Garoowe ay gaaraan wafuud heer caalami ah, sida Ergayga gaar ee wakiilka Q.M u qaabilsa  arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga, Wakiillo ka socota Midoowga Yurub iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa si weyn loo adkeyay amniga caasimadda gobolka Nugaal ee Garoowe, Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxa ay kala yihiin, ammaanka, dhameystirka Dastuurka Soomaaliya, dowladda wanaagga iyo dib u habeynta Baarlamaanka, sida lagu go’aamiyay shirka wijigiisa  hore ee ka dhacay.

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education 

Media Unit

Scroll to Top