Shirka shaqaalaha dhexe Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa ka qabsoomay qolka shirarka ee wasaarada.

25/09/2017- Shirka  oo ah mid bishii mar dhaca laguna  kala qaato talooyin badan iyo wacyigelin shaqaalaha dhexdiisa ah, waxaana sida caadiga ah shirka gudoominayay agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada  iyo Tacliinta Sare ee dawlada Puntland Maxamed C/qaadir Cismaan iyo agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha, C/llaahi Xirsi Ciise.

Is wareysi iyo kala warqaadasho kadib agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha ayaa ku booriyey shaqaalaha in ay ilaashaan xeerarka shaqaalaha wasaarada sida fasaxyada, wakhtiyada shaqa gelida iyo ka bixida  kala xadaynta shaqada shaqaalaha IWM.

Agaasimaha guud ee wasaarada ayaa warbixin ka siiyey shaqaalaha safar uu ku maray wadamada deriska sida Kenya iyo Ethiopia, wuxuuna shaqaalaha la wadaagay dhamaan wixii uga qabsoomay kulamadii uu layeeshay madaxda waxbarasahda wadamadaas iyo sidoo kale kulamo uu la yeeshay ardayda reer Puntland ee wax ka barata dalka Ethiopia.

Agaasimaha guud wuxuu bogaadiyey shaqaalaha wasaarada inay yihiin dad mar walba u heelan u shaqaynta danta shacabkooda mararka qaarna  shaqeeya wakhtiyo ka badan intii shaqada loogu tala galay, iyadoo aan fiirinayn dan gaar ah, wuxuu sidoo kale ku amaanay shaqaalaha iyo wasaaraduba in ay yihiin kuwa ugu shaqada balaaran uguna shaqada badan dhamaan shaqaaalaha dawlada Puntland midaas shacabka reer Puntland marag cad ka yihiin.

Hoos ka Daawo Sawirada

IMG_1407 IMG_1418
IMG_1368IMG_1370IMG_1373IMG_1374IMG_1376IMG_1378IMG_1412IMG_1413IMG_1415IMG_1370IMG_1383IMG_1396IMG_1400IMG_1402IMG_1404
IMG_1409

IMG_1427 IMG_1339 IMG_1340 IMG_1342 IMG_1345 IMG_1349 IMG_1358 IMG_1368 IMG_1369 IMG_1370 IMG_1392 IMG_1398 IMG_1401 IMG_1406

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top