Shir-weynaha Qaran Ee Waxbarashada Dalka oo Goor Dhow Ka Furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirweynaha qaran ee waxbarashada oo ay soo qaban qaabisan Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada.

Shirka waxaa ka qeyb galaya  wakiillo ka socda dowladda Soomaaliya, Maamul goboleedyada ka ka jira dalka, Culimaa’udiin iyo aqoonyahanno, wakiillo ka socdo jaamacadaha iyo dalladaha waxbarasho ee dalka ka jira, Ururrada bulshada iyo hay’ado caalami ah.

Shirkan oo socon doona ilaa 20-ka bishan, ayaa lagu eegayaa  xaaladda waxbarasho ee dalka Soomaaliyeed, Caqabadaha ay wajaheyso iyo horumarka la gaaray.

Shirka Waxaa furtay Wasiirka Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Marwo Maryan Qaasim, oo sheegtay in shirkani bar-bilow u yahay sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada Soomaaliya.

Dr Maryan Qaasim Axmed oo ka hadashay shirka ayaa sheegtay in wasaaradeeda ay soo qabanqaabisay shirka weynaha waxbarashada dalka,ayna gacab ka siiyeen hay,adaha UNESCO iyo UNICEF

Wasiir Maryam waxay ku boorrisay ka qeyb galayaasha shirka in ay  keenaan afkaar la xiriirta tayeynta Waxbarashada Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday in ay u midoobaan mustaqbalka  iyo waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.

Dr Maryan ayaa sheegay in muuhiim gaar ah la siin doono dib u habeynta waxbarashada dalka,sababta shirkan loo soo qabanqaabiyayna ay tahay in guud ahaan dalka waxbarashadiisa ay noqoto mid isla jaan qaada.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon  Saacid oo shirka hadal ka jeediyay ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay  shirkan looga arrinsanayo waxbarashada Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in Dowladdu Miisaaniyadda ugu badan ku bixin doonto Waxbarashada iyo Dhallinyarada, si loola dagaallamo dalkana looga dabar jaro xagjirnimada iyo qabyaaladda oo aan dan u ahayn dalkeenna iyo dadkeenna.

Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon waxa uu ballan qaaday in xukuumaddu ay ku dadaali doonto sidii loo nolosha macallinka Soomaaliyeed, si waxbarashada looga dhigo shaqada loogu jecelyahay shaqooyinka oo ay dhallinyaradu ugu taamaan in ay macallimiin noqdaan.

Barayaasha ayuu ra’iisulwasaaruhu kula dardaarmay  in ay ardayda kala dagaallamaan qabyaaladda iyo quursiga ayna ku barbaariyaan Is ixtiraam iyo walaalnimo.

Scroll to Top