SHIR LOOGA HADLAYEY HORMARINTA IYO TAYAYNTA BARASHADA FARSAMADA GACANTA EE PUNTALAND,( VQF) VOVATIONAL QUALIFICATION FRAMEWORK.

waxa la soo banadhigay aqoon is waydarsi  ku saabasan sidii kor loogu qaadi laha barashadda farsamada gacanta ee puntland.

ugu horayntii waxaa shirkaa furay oo hadalo dhiira galina ka yiri wasiirka wasaaradda waxbarashada ee puntland CABDI FAARAX SICIID (JUXA),waxana uu yiri ” waxaa loo bahanyahay in isbedel wangasan  lagu sameeyo barashadda farsamada gacanta tayadeedana kor loo qaado si dadka uga faaii’daystan si kor ugu kaco dhaqalaha bulshadda.

Sidoo kale waxa shirkaa lagu soo bandhigay caqabadaha hortagan  barashadda farsamada gacanta, waxana soo bandhigay agaasimaha mashaariicda iyo hormarinta farsamada gacanta mudane MAXAMED CALI FAARAX.

Aqoon is waydaarsigaan ayaa waxa uu socday mudo 2maalmood ah waxana ka soo qayb galay dad aad u fara badan oo ka kala socaday shirkadaha ganacsiga, iyo xarumaha farsamada gacanta lagu barto, aqoonyahano, xildhibaano, cuqaal iyo haweenba.

Shirkaa ayaa muhimadisu ahayd in lagu munaqishoodo qaabka cusub oo lagu hormarinlaha barshadda  farsmadda gacanta ee puntland.

Waxaa kalo jiri doona shir kale oo ku saabsan aritaan oo kale agu in ay qabsomaan mstaqbalka dhow.

DAAWO SAWIRADII SHIRKA LOOGA HADLAY.

DEEQ  HUREVOV HEAD OF MEDIA.

MINISTRY OF EDUCATION.

Scroll to Top