Shir looga Hadlayay Hormarinta Waxbarashada Haweenka oo ka dhacy Wasaarada Waxabarshada iyo Tacliinta sare.

27/11/2014, Shir ballaaran oo ay ka soo qayb galeen Madaxdaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Madaxda Haweenka Wasaaradda, Hay’adaha la shaqeeya Wasaaradda, Deeq bixiyayaasha iyo marti sharaf kale oo badan ayaa ka dhacay xarrunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Cabdi Calishire ‘’ Kayse’’ oo shirka daah-furay ayaa ka soo jeediyey khudbad dheer oo uga hadlay doorka haweenka ee waxbarashada, agaasimaha ayaa sheegay in loo baahanyahay in Haweenku ay door wanaagsan ku yeeshaan waxbarashada dalka , sidoo kale Agaasime Kayse ayaa sheegay in shirkan oo kale uu muhiim yahay ayna Wasaaradiisu soo dhawaynayso mar walbana ay u hawlanyihiin sidii Haweenku door muhiima ugu yeelan lahayeen Waxbarashada Dalka, wuxuuna Agaasimuhu  qaybihii shirka ka soo qayb galay kula dar-daarmay in la xoojiyo  baraarujinta waxbarshad gabdhaha.

Sidoo kale waxa goobta ka hadashay Madaxa Waxbarashada Haweenka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Faadumo Cabdi Xirsi ‘’ Faadumo-Shukri ‘’ waxayna ka warbixisay socdaalo kormeer ah oo ay dhawaan kaga soo laabatay gobollada Bari, Gardafuu iyo Kar-kaar, kormeerkaas oo ay ku tagtay xarumaha Haweenku wax ku bartaan.

Mama Faadima Shukri ayaa sheegtay in goobihii ay tagtay ay ku soo aragtay Gabdho Rajo ah oo waxbarasho u baahan kuwaas oo aan awoodin inay iska baxshaan waxbarashada loona baahanyahay in la caawiyo laguna garab galo sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho, waxayna sheegtay intii ay kormeerka waday inay dugsiyada ku yaal gobollada ay tagtay ee  Haweenku wax ku bartaan ay u qaybisay agab nadaafadda dumarka ah, waxayna dhamaan ka soo qaybgalayaashii shirka ugu baaqday inay qayb lixaadle ka qaataan hormarinta iyo caawinaadda waxbarashada Dumarka.
Sahra Kooshin oo shirka guddoominaysay sidoo kalana ah Lataliyaha Wasaaradda Waxbarashada dhanka Haweenka ayaa goobta ka soo jeedisay warbixin ka hadlaysa halka uu marayo  kor u qaadidda waxbarashada haweenka Puntland sanadihii udanbeeyay sioo kale Maama Sahra Kooshin ayaa goobta ku soo bandhigtay Muuqaalo muujinaya kobcinta Waxbarashada Haweenka iyo kor u qaadidda tababarada macalinimada haweenka Puntland, waxayna sheegtay in la filanayo sanadaha soo socda in ay kor ukac weyn uu ku yimaado waxbarashada Haweenka Puntland.

Shirka oo socday muddo 1 maalin ah ayaa ahaa  shirkii 18-aad ee looga hadlayo hormarinta waxbarashada Puntland ee ka dhaca Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland wuxuuna qayb ka yahay dadaalka xoogan ee Wasaaraddu ugu jirto in gabdhaha Puntland ay qayb weyn ku yeeshan waxbarashada dalka, wuxuuna shirku ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA.

 


XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND
Qore: Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia


Scroll to Top