SHIR LAGU DAAH-FURAYEY DEEQ WAXBARASHO OO LAGA HELAY DALKA KENYA

Garowe: Waxaa Hall-ka shirarka ee Wasaaradda Waxbarashadda Puntland lagu soo bandhigay deeq waxbarasho taas oo laga helay Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya. Barnaamijkaan ayaa waxaa daah-furay Wasiirka cusub ee Waxbarashadda Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame iyo Wasiir ku xigeenka Prof. Maxamed Cali Faarax. Sidoo kale  waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha guud iyo Agaasime waaxeedyadda, la taliyaasha wasaaradda iyo dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo dhammaan haya’adaha ku hawlan hormarinta waxbarashadda Puntland.

Wasiirka Waxbarashadda Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa u hambalyeeyey shaqaallaha ka faa’iideysan doona deeqdaan waxbarasho isla mar kaasna gudoon siiyay warqaddii ogolaanshaha ee Jaamacadda Nairobi ay siisay. Wasiirku waxa uu u hambalyeeyay Ururka Midawga Yurub, ha’ayadda CfBT iyo dhamaan intii ka soo shaqaysay barnaamijkaan qiimaha leh. Wasiirku waxa uu sheegay in uu sii laban laabi doono helitaanka deeqaha waxbarashadda, sanadka dambena uu intaa ka sii wanaagsanaan doono.

Barnaamijkaan deeqda waxbarashadda ah ayaa waxaa maal galisay Ururka Midawga Yurub, Waxaana fulinaysa haya’da Centre for British Teachers (CfBT). Halka jaamacadda Nairobi ay bixinayso casharadda iyo wixii kale oo la xiirira iyadda oo kaashanaysa Jaamacadda Bariga Africa. Deeqdaan waxbarasho ayaa waxaa la siiyay shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda taas oo looga gol leeyahay in la joogteeyo shaqaalaha wasaaradda si ay ugu nagaadaan wasaaradda ugana faa’iideeyaan aqoontooda marka ay dhameystaan waxbarashadooda. Deeqdaan waxbarasho ayaa waxay soconaysaa muddo 18 billood ah. Tirrada shaqaalaha helay deeqdaan waxbarasho ayaa waxa ay gaaraysaa 16 qof. Halka ay jiraan dad kale oo badan oo iyagu iskood iskaga bixinaya kharashka.

Sawiro Ku saabsan Shirkii lagu daah-furay deeqda waxbarasho.

Deeq Maxamed Warsame,

Wasaaradda Waxbarashada Ee Puntland.

Contact: +252 907 743400

 

Scroll to Top