Shir ku saabsan dejinta Siyaasada Tacliinta Sare oo ka socda Wasaarada Waxbarashada

Shirkaani looga hadlayo dajinta iyo sharci u samaynta tacliinta sare ee Puntland ayaa waxaa kasoo qayb gallay mus’uuliyiinta wasaarada waxbarashada oo uu ugu horeeyo wasiirka wasiir ku xigeen,iyo agaasimaha guud,waxaana goobta sidoo kale fadhiyay xeel dheerayaal waxbarasho ,mamulayaasha jaamacadaha ku yaala Gobalada Puntland.

Agaasimaha guud ee wasarada waxbarashada Puntland Mudane Maxamad Cabdiwahaab oo bilowga kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii looga wada arin san lahaa dajinta siyaasadii lagu dhaqi lahaa tacliinta sare ee Puntland,wuxuna kasoo qayb galayaashii ku bogaadiyay in looga fadhiyo lafo gurka siyasada tacliinta .

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo khudbad kasoo jeediyay kulanka ayaa dhankiisa tilmaamay inay wax badan ka qabteen waxbasrahda dalka horumarin ballaaranna lagu sameeyay waxbarsahda hoose ,dhexe iyo sare,wuxuse aad ugu dheeraaday aqoonyahaniidii kasoo qayb galayna ugu baaqay inay si wanaagsan uga doodeen wadadii loo mari lahaa siyasada tacliinta sare ee Puntland oo hada muhiim ah in la helo hoygii loogu soo hagaagi lahaa.

Juxa ayaa docda kale tilmaamay in ay tahay lagama maarmaar dajinta siyaasada,wuxuna sheegay mudada uu shirkaan soconayo in laga soo saari doono go’aan ku qotama dajinta siyasada tacliinta sare oo ah tan ay madaxda wasarada waxbarsahda ku mashquulsan yihiin.

Dhamaadka Shirkan oo ah maalinta barito ayaa waxaa lagu wadaa inuu kasoo baxo qodabo ay isku raacaan xeel dheerayaasha waxbarashada ,waxaana ka dib la hor gayn doonaa gollaha xeer dajinta si ay codka kalsoonida u siiyaan siyaasada tacliinta sare ee dalka.

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

Scroll to Top