Shir Isbarsho iyo Wadatashi ah oo Dhexmaray Wasiiradda cusub ee Wasaaradda Waxbarashadda & Shaqaalaha xarunta dhexe ee Wasarada Waxbarashada

Garoowe: Shir ballaaran ayaa waxa uu  kadhacay hall-ka shirarka ee  wasaarada waxbarsahada Puntland, Shirkaas o ujeeda-diisa ugu weyn ahayd “Isbarasho ay isbartaan wasiirka & W/xigeenka wasarada waxbarashada iyo qaybaha kala duwan ee shaqaalaha wasarada”.

Shirka ayaa waaa furay agaasimaha Guud ee wasaarada Waxbarashada Maxamed Cabdiwahab isagoona sheegay inuu shirkaani yahay mid looga gol-leeyahay isbarasho iyo is-xog warasyi, intaa kadib Agaasimuhu waxa uu kusoo dhaweeyey hadalka Wasiir kuxigeenka waxbarsharada Prof. Maxamed Cali Faarah; isagoona ka hadlay arimo badan oo ay kamid ahayd caddaalada iyo mas’uliyadda xilka loo igmaday mas’uuliyiinta kala duwan.

Prof. Maxamed ayaa ku baraarujiyaya  shaqaalaha wasaarada  in ay mas’uuliyad saarantahay,  xilna ka saaranyahay xafiis ama waax-da uu ka hawlgalayo. sidoo kale W/Xigeenku waxaa uu ku soo gaba-gabeeyey hadalkiisa in cadaalad lagu maamuli doono cidkasta oo ka tirsan bahda shaaqaalaha wasarada, sidoo kale na dhamaana ay heli doonan xuquuqdooda.

Intaas kadib W/Xigeenku waxa uu hadalka kusoo dhaweyey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame. Wasiir Ali Hajji waxaa uu kahadlay arimo badan oo kusabsan waxbarashada Puntland , iyo sida uu rabo in wax uga qabto arimaha hor yaala wasaarada Puntland. arimahaas oo ay ugu waaweyn yihiin; Shahaadooyinka, Maamulida Deeqaha Waxbarashada,Mushahaarka shaqaalaha & Macallimiinta.

Wasiiirka ayaa cadeeyey kuna nuux-nuuxsada sida ay uga go’antahay ka miradhalinta himilooyinka wasarada ee tayaynta tacliiinta gabi ahaanba Puntland. asigoona cadeeyey inuu geed-gaaban iyo geed-dheer ba u fuuli doono sidii uu wax uga qaban lahaa caqabadha hor yaala waxbarshada ee deeganada Puntland.

Wasiirku waxa uu hadalkiisa kusoo gaba-gabeyey inuu ku dadaali doono inuu baahiyo maamulka wasaarda iyo shaqadaba (Work delegation), iyo sidoo kale inuu xooga saari doono hufnaanta maamulka (Good Management), sidoo kale na ay jiri doonto tartan ka dhexeyn doona waaxyaha wasaaradda, iyadoona lagala xisaabtami doono waaxkata shaqada loo asteeyey.

Gabagabadii ayaa wasiir Cali Xaaji waxa uu fursadda siiyay qaybihii kala duwanaa ee shaqaalaha wasarada waxbarsahda kuwaas oo cabiray fikirkooda  iyagoona sidoo kale talooyin usoo jeediyay wasiirka & W/xigeen ka. sikastaba ha ahaate shirkan ayaa kusoo gaba-gaboobay jawi aad u wanaagsan.

HOOS KA DAALACO SAWIRADA:

 


Deeq Maxamed Warsame (Deeq Hurre)

Wasaaradda Waxbarashadda Ee Puntland

Contact: +252 907 743400

Scroll to Top