Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo socdaal ku tagay xarunta Wasaradda Waxbarashada Puntlad.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magalada Garowe ayaa  socdaal gaaban ku tagay xarunta dhexe ee Wasarada Waxbarashada Puntland wuxuna la kulmay madaxda wasaaradd Waxbarashadda.

Wasiirka Wasaradda Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda  ayaa  Sifiican ugu soo dhaweyey Wasaaradda waxbarashadda Qaybaheedda kala Duwan.

Wasiirka Wasaarada waxbarashadda ayaa waxa uu gudoon siiyay Shihaado sharaf uu ugu talo galay Shiikha wuxuna sheegay inay dhiirigalin u tahay socdalka Umal.

Shir jaraa’id ayay si wada jir ah u wada qabteen waxana hadalka ku horeeyay Cali Xaaji Warsame oo sheegay inay farxad u tahay socdaalka uu Shiikh Maxamed Cabdi Umal ku yimi xarunta wasaradda Wasaaradda Waxbarashadda.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay madaxda wasaradda usoo dhaweeyeen wuxuna kula dardarmay maadama ay yihiin madaxda masuulka dowladda uga dhanka waxbarashada inay wax badan dhalinyaradda kula dardaarmaan arrimaha diintu ay reebtay sida tahriibta iyo falalka kale ee Islaamka ka hor imaanaya.

Wasaaradda waxbarashadda ayaa waxaa yimaada wafuud kala duwan oo caanka  ah dunida laakin tani waxay ahayd Wadaadkii xaga diinta soomalia ugu caaan sanaa oo yimi Wasaaradda waxbarashadda puntland intii aya jirtay Wasaaradda waxbarashadda puntland.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada ayaa horay balan ugu qaaday in uu ku soo xirayo wasaaradda waxbarashada ganacsatada jaaliyaddaha reer puntland meelkasta ay ku nool yihiin, iyo dhamaan qaybaha kala duwan oo bulashadda oo ka qayb qaadanaya hormarinta Waxbarashada puntland.

Shiikha ayaa sidoo kale socdaal gaaban ku tahay xarunta Jaamacadda Bariga Africa ee magalada Garowe.

Daawo Sawiradii shiikh umal oo booqaho  ku yimi Wasaaradda waxbarashadda puntland.

DSC04983 DSC04984 DSC04985 DSC04994 DSC04995 DSC04996 DSC04999 DSC05000 DSC05004 DSC05007 DSC05008 DSC05009 DSC05017 DSC05019 DSC05020 DSC05021 DSC05026 DSC05028 DSC05032 DSC05033 DSC05045 DSC05046 DSC05048 DSC05054 DSC05056 DSC05065 DSC05066 DSC05073

                                               Wasaaradda Waxbarshada Puntland.
                                                     Deeq Maxamed Warsame
                                                     Contact Number: +2525743400
                                                        Deeq.hurre99@gmail.com
Scroll to Top