Shaqaallaha Wasaaradda Waxbarashadda oo Ka Dooday Siyaasada Shaqaallaha

17/09/2014, Waaxda Shaqada iyo Shaqaallaha ee Wasaaradda Waxbarashadda ayaa soo bandhigtay siyaasad shaqaallaha ee Wasaaradda. Kulankaan lagu soo ban dhigayay siyaasadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasimayayaasha Waaxyaha kale duwan ee wasaaraddu leedahay, la taliyayaasha waaxyaha. Shaqaalaha waaxda shaqaalaha ayaa soo dhangiyay siyaasadaan cusub ee la doonayo in laga hirgaliyo Wasaarada Waxbarashadda.

Waxaa kulankaan furay Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada isla markaasna ah Agaasimaha Waaxda Mashaariicda, Tababarada Macilimiinta iyo Farsamada Gacanta Maxamed Cali Faarax.

Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay in siyaasadaani ay tahay mid looga dan leeyahay in lagu dhaqo shaqaalaha wasaarada, isla markaasna siyaasadaani ay waafaqsan tahay siyaasada u dagan shaqaalaha Dawlada Puntland xiriina la leedahay Dastuurka Dawlada Puntland.

Siyaadaan ayaa waxa ay ka kooban tahay ilaa iyo 12 cutub oo ay ka mid yihiin; ilaalinta iyo dhowrista wakhtiga shaqada lasoo galayo iyo wakhtiga laga baxayo, qaabka shaqaalaha loo dalacsiin karo ama hoos loogu celin karo iyada oo la eegayo hawl karnimadiisa iyo dabeecad/dhaqan wanaagiisa.

Shaqaalaha Wasaaradda ayaa ka dooday siyaasadaan iyaga oo ku daray talooyin wanaagsan isla markaasna ku taliyay in laga saaro qodobo yar yar oo aan waaqici ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Waxbarashadda ayaa maalmahaan waxay ku hawlan tahay sidii loo dajin lahaa isla markaasna loo diyaarin lahaa siyaasadaha kala duwan ee lagu dabakhayo qaybaha kala duwan ee waxbarashadda si loo ilaaliyo tayada iyo qiimaha waxbarashadda ka jirta dhammaan deegaamadda Puntland.

Ugu danbayntii shirkaan lagaga doodayo siyaasada shaqaalaha ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa uu ku soo gabagaboobay jawi dagin.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

Scroll to Top