Shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada Oo Maanta Iidlkood Kulan Isugu Yimi

Waxaa maanta shir balaaran isugu yimi dhamaan shaqaalaha wasaarada waxabrashada waxaana shir gudoominayay agaasimaha guud ee wasaarada Mudane Maxamed Cabdiwahaab,shirkan noociisoo kalaa ayaa ah mid aan muda ka dhicin wasaarada waxbarashada kaasoo ay u wada dhamaayeen dhamaan shaqaalaha wasaarada oo tiradoodu gaaraysay kudhawaad 80 shaqaale.


Shirkan ayaa ahaa mid muhiimada wayn uleh shaqaalaha wasaarada kaasoo ay uga hadlayaan arima badan oo quseeya shaqadooda iyo in ay uga hadlaan xuquuqdooda shaqo,furitaankii shirkan ayaa waxaa furay khudbad qiima lehna ka jeediyay agaasimaha guud ee wasaarada Mudane Maxamed Cabduwahaab oo ka hadlay muhiimada shirkan ay u leedahay shaqaalaha,waxana xusid mudan inuu sheegay agasimaha in uu aad iyo aad ugu maqsuuday sida xilkasnimada leh ee ay manta dhamaan usoo wada xaadireen shaqalaha waxayna taasi cadayn ayuu yiri in ay ka go`antahay shaqaalaha in ay gutaan waajibaadkooda Shaqo.

Agaasimaha Ayaa Sidoo kale sheegay in wasaarada ay waayadan danbe ku talabsatay arima badan oo muhiim ah waxa uu intaasi ku daray in ay wasaaradu ay samaysay arimahan ay ka mid yihiin
In dhamaan shaqaalaha wasaarada loo sameeyay Shaqa qeexid (Job Description ) si qof kastaa uu u guto waajibaadka gaar ah ee saran
In dhamaan shaqaalaha badankood loo sameeyay kaarar aqoonsi kaasoo lagu garanayo qofkan inuu yahay shaqaale ka tirsan wasaarada waxbarashada Puntland.
In tirko koob lagu sameeyay dhamaan hantida wasaarada ay leedahay la calaamadeeyay oo Lambar la siiyay si cid kastaba lagula xisaabtamo, waxaana uu xusey in Wasaaradda aysan waligeed ka dhicin wax musuq maasuqa.


Si kastaba ha ahaatee wasaarada ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ku hawlanayd in ay dib u habyn balaran ku samayso wasaarada iyo horumar kasii badan tii ay mudooyinkii hore ku talaabsatay wasaarada .

 

 

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia
Scroll to Top