Sanduuq Loogu Talagalay Ardada Puntland Oo Maanta Laga Furay Wasaarada Waxbarashada

Furitaankii Sanduuqaas  lagu soo bandhigayey ayaa  ahayd mid si weyn loo soo agaasimey oo ay  kasoo qayb gala qaar kamid ah madaxda Wasaarada waxbarashada iyo Mas’uuliyiin ka socdey Hay’adaha dowlada dhinaca waxbarashada ka saacida.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Cabdiraxmaan Diiriye Carab oo ah wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashada Puntland wuxuuna sheegay in sanduuqani uu yahay mid la rabo in ardayda Dugsiyada sare ka baxa Islamarkaana derejooyinka fiican keena ee aan awoodin inay waxbarasho Jaamacadeed iska debiraan lagaga bixiyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashada Puntland Cabdiraxmaan Diiriye Carab ayaa intaas ku daray in ujeedada sanduuqan ardayda deeqda loogu uruurinayo loo hirgeliyey ay tahay in la kordhiyo tirada ardayda ay dowladu dhaqaalaha waxbarashada Jaamacadeed ka bixiso taas oo uu sheegay in ay ahayd mid aad u yar lana rabo in la kordhiyo.

Munaasabadii ay Wasaarada Waxbarashada ee Puntland ku soo bandhigeysey Sanduuqa dhaqaalaha loogu uruurinayo ardayda ka baxda Dugsiyada sare ee Puntland oo ay Mas’uuliyiin kale oo tira badani ka hadleen ayaa kusoo gaba gabowdey jewi ay  farxadi ku dheehan tahay.

 

 

Amaal Abdulahi

Ministry Of Education Puntland

Media Unit

Scroll to Top