Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Marcelli oo booqday Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

10/07/2014, Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambasador Fabrizio Marcelli oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Garowe ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta wasaaradda waxbarashada Puntland, halkaas oo ay kula kulmay wasiirka waxbarashada Cali Xaaji Warsame.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji oo wafiga safiirka kusoo dhaweeyay xaruntiisa ayaa uga warbixiyay heerka waxbarashada Puntland. isagoo sheegay haatan inay marayso meel wanaagsan oo loo baahan yahay in kor loogasii qaado.

Si loo helo kor uqaadida waxbarashada Puntland ayuu wasiirku sheegay  in loo baahan yahay in la kordhiyo taageerada dowladdaha saaxiibada la ah Puntland .

Mudane Cali Xaaji wuxuu cadeeyay dowladda Talyaanigu inay Puntland ka caawiso meelo badan oo ay kamid tahay waxbarashada islamarkaana ay haatan doonayaan in kor loosii qaado taageeradooda.

Booqashada kadib Safiirka iyo wafdigiisa la socday ayaa ka dhoofay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Garowe.

Daawo Sawiradda.

DSC05477DSC05478DSC05479DSC05480DSC05481DSC05482DSC05483DSC05484DSC05485DSC05486DSC05487DSC05488DSC05489DSC05490DSC05491DSC05492DSC05493DSC05494DSC05496DSC05497DSC05504DSC05505DSC05506DSC05507DSC05508


Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

 

 

 

Scroll to Top