Safiirka Dowladda Turkiga oo Booqday Goobo Waxbarasho oo ku yaal Garowe.

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada puntland  DR Cali xaaji Warsame iyo Safiirka Turkiga  ayaa booqaday Dugsiga sare ee Gambool iyo jaamacada psu,

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Koni Turan ayaa si wada jir ah u dhagaxdhigay Dugsiga Farsamada gacanta,oo ay dhisayaan Dowlada Turkiga.

Dowladaha Puntland iyo Turkiga ayaa waxa u bilowday xiriir wannaagsan,waxaana Turkigu uu balan qaaday inuu wax ka qabanayo arrimaha Bulshada,Bini’aadanmada iyo Kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” ayaa Safiirka Turkiga usoo Bandhigay qayb ka mid ah Khayraadka uu EEBE ku manaystay dhulka barakaysan ee Puntland,waxaana sawirada hoose ka dheehan kartaa sida Safiirku uu ula dhacsan yahay Khayraadka Puntland.

Wasiiradda Waxbarashada ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta turkiga  ay ku yimaadeen puntalnd iyo  Goobaha Waxbarashadda Puntland,

 Wasiir Cali Xaaji iyo Wasiir ku xigeenka Maxamed Cali Faarax ayaa balan horey u qaaday inay sanadda soo socda deeqo waxbarasho ka radi doonaan Dawladaha kala dowan sida Turkiga, Qadar iyo wadamada fog fog ee Aasiya, iyo mashaariic kala duwan oo waxbarashada ah.
DAAWO SAWARADII BOOQASHADA GOOBAHA WAXBARASHADA AY TAGEEN TURKIGA.
Deeq Waxamed Warsame
Wasaaradda Waxbarashada Puntland
Contact Number+2525743400
Scroll to Top