Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo booqday Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland.

11/APRIL/2015, Ra’iisul Wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tilaabo ku dayasho ku tilmaamay dadaalka ay wado Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Puntland.

Hadalkaan ayuu Raysal wasaaruhu sheegay kadib markii uu maanta booqday xarunta dhaxe ee Wasaaradda Waxbarashada, halkaas oo loogu sameeyay soo dhawayn diiran laguna gudoonsiiyay shahaado sharaf Wasaaraddu ugu talo gashay.

Raysal wasaare Cumar oo uu wehlinayay madaxweynaha dowladda Puntland ayaa kormeeray dhammaan xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda sida Madbacada iyo Xafiiska Imtixaamaadka Dowlada Puntland isagoo warbixino ka dhageystay Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare  Cali Xaaji Warsame iyo Agaaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada

Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka wasaaradda Waxbarashadu gaartay iyo qaabka ay haatan u shaqeyso nidaam ahaan.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isaguna dhankiisa sheegay Wasaaradda Waxbarashadu inay tahay tusaale koowaad ee xukuumadiisa, Waxaana uu sheegay inay madax kasta oo dowladda Soomaaliya  ka socota iyo Waxii Beesha Caalamka  oo Garowe yimaada ay soo booqdaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Reysal Cumar Cabdirashiid ayaa noqonaya Raysal wasaarihii 4-aad ee soo booqda wasaaradda waxbarashadaPuntland tan iyo sanadkii 2012.

Hoos Ka Daawo Sawiro baddan.

 

Scroll to Top