Raacii 5aad oo Araday deeq waxbarasho ka heshay Dalka dibaddiisa oo ay W.W. iyo Tacliinta sare Sagootisay

02/12/2014, Masuuliyiinta Wasaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa Ayaa Galabta xarunta Wasaradda ku qabtay kulan lagu sagootinayo 26-arday oo qayb ka ahaa 50 arday oo deeq waxbarasho looga helay wadanka Itoobiya oo ka mid ah dowlada  puntalnd sanad kasta siiya deeqaha waxbarasho.

Waxaa kasoo qayb galay kulankan sagootinka ah Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta Sare  Dr Cali Xaaji Warsame, Agasimaha guud ee Wasaardda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Axmed Kayse, sarkaal ka socday xafiiska Qunsulka Itoobiya ee Puntland iyo ardaydii la sagootinayay.

Agaasimaha guud ee wasaradda Mudane Axmed Cabdi Cali ayaa sheegay deeqdani inay ka mid tahay kontan arday oo Itoobiya waxbarasho Jaamacadeed ugu deeqday sanadkan, taasoo wax badan u taraysa ardaydda Puntland.

Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa dowladda Itoobiya uga mahad celiyay markii ugu horaysay oo ay deeq waxbasho oo Digrii ah oo 50-arday ah siisay, taasoo baahi badan loo qabay.

Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay rajo ka badan deeqda ay sanadkan helaan inay filayaan sanadka soo socda ayna ka go’an tahay inay xooga saaraan waxbarashadda noocaan oo kale.

Waxa uu ardaydda galabta la sagootiyay ugu baaqay inay fursadan ka faa’iidaystaan oo aysan dayacin deeqdan, wuxuna kalsooni ka muujiyay inay ardaydaan kaalintooda kasoo bixi doonaan.

Xaydar Cabdala oo ka mid ah saraakiisa sarsare ee Xafiiska Qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland ku leedahay  oo hadal kooban soo jeediyay ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay ardayda fursadda waxbarasho ka helay Dalkooda itoobiya, waxaana uu u sheegay waxbarashada ka sokoow inay jaanis u helayaan ay ku dhexgalaan in ka badan 70 qawmiyadood oo degga Itoobiya kuwaasoo kala dhaqan duwan, kala diin ah, hadana si wadajir ah u wada nool, oo hal hadaf wada leh. waxaa uu ku dhiiri galiyay in ardaydu ay sida ugu wanaagsan uga faa’iidaystaan oo aysan iska dayicin fursaddaan ay heleen. waxaa kale oo uu Xardar Cabdalla u sheegay ardayda in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin laba dawladood oo walaalo ah hadana deris ah, ayna ka dhexayso xuduud dheer sidaa daraadeed waxa uu u sheegay inay ka tagayaan Dalkooda hooyo ayna tagayaan Dalkooda hooyo oo aysan wax wel wel ah ka qabin inay qaurbo u socdaan.

Ugu dambayn waxa uu Mr. Cabdalla ka mahad celiyay wadashayaqaynt ay la wadaagan guud ahaan masuuliyiinta Dawladda Puntland iyo gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta sare.

Wasaradda waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ayaa sanadkan 2014 deeq waxbarasho u helay in ka badan 250 oo arday kuwaasoo ka mid ah Ardaydda sanad kasta kaalamaha wanaagsan ka gala Imtixaanadka Dugsiyadda sare Ee puntaland.

Puntland ayaa waxay deeqo waxbarasho ka heshay sanadkan Dalalka Ruushka, Ciraaq, Yemen, Suudaan, Itoobiya Iyo Jamacadaha Gudaha sida East Africa University (EAU), Puntland State University (PSU), Boosaaso University (UoB), Muqdisho University, iwm kuwaasoo ay wasaaraddu uga faa’iidayso ardayda kaalimaha ugu sarreeya ka gala imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

IMG_0927IMG_0931IMG_0932IMG_0941IMG_0947IMG_0949IMG_0961IMG_0962IMG_0963IMG_0965IMG_0970

Scroll to Top