Qoraaga Caanka Ah Maxamed Dahir Afrax Oo Kulan Laqaatay Ardada Dugsiga Sare Ee Ganbol Ee Magaalada Garoowe

Qoraaga caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamed Daahir Afrax ahaana  gudoomiyihii uhoreeyay ee  qalinlayda soomaaliyeed ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (SP)Somali Pen iyo wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta booqday dugsiga sare ee ganbool ee magaalada Garoowe. Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa oo hogaaminayay wafdigan ayaa qoraaga kusoo dhaweeyay goobta schoolka gambol ugana warbixiyay taariikhda schoolkan uu leeyahay waxaana wafdigaan aad usoo dhaweeyay dhamaan maamulka,macalimiinta,iyo ardada waxkabarata dugsiga sare ee Ganbol. 

 

 

 

 

 

 

Cali Ibraahim (Cali Suudaani ) Maamulaha Dugsiga Sare ee Ganbool ayaa ugu Horeyn waxaa uu soo dhaweeyay marti sharafta manta soo booqatay aadna uga mahad celiyay sida ay usoo xuseen waqtigooda qaaligaana usiiyeen waxa uu kaloo ardada usheegay in ay ka Faaiidaystaan Qoraaga Barnaamijkan Suugaanta la Xiriira ayna Waydiiyaan wixii Mugdi kaga Jiro ee la xiriira Culuumtan ku saabsan Dalka soomaaliyeed wixii uu Hide u lahaa .

 

 

 

 

 

 

Qoraaga Caanka ah ee Maxamed Daahir Afrax ayaa aradayda halkaa uga soo jeediay Cashar ku saabsan hidaha iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliyeed iyo is bedelka ku yimid afka Soomaaliga oo aan wax horumar ah lagu sameyn wixii ka dambeeyey markii ay bur-burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Waxyaabaha uu qoraaga Maxamed Daahir Afrax uu barayey ardayda waxaa ka mid ahaa taariikhda halgamaagii caanka ahaa ee Sayid Maxamed Cabdbdulle Xasan iyo waxyaabixii uu caanka ku ahaa, kuwaas oo ardayda laga weydiinayey su’aalo ku aadan waxa ay kala socdaan taariikhda Sayidka allaha u naxariistee.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qoraaga ayaa sidoo kale aydayda wax uga sheegayey erey bixinta afka Soomaaliya oo kamida afafka hodanka ah marka la eego adeegsigiisa, Wuxuuna tusaalayaal uga dhigayey ereyo uu ku qorayey sabuuradda kuwaa oo ay ardaydu aad ula dhacsanaayeen isla markaana ay u sacbinayeen qaabka uu u fahansiinayey.

 

 

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horeysay ee uu booqday qoraa somaaliyeed dugsiga sare ee Ganbol waxaa booqashadan ka horeysay mid laqabtay sanadkii lasoo dhaafay oo uu booqday qoraaga soomaaliyeed ee nuradin Farah oo isna halkaas waqtigaas ka baxshay casharo aad umihiima kana tujumaya dhaqanka soo jireenka ee hibada Alle usiiyay Umada Soomaaliyeed.

Maxamed Daahri Afrax ayaa ahaan jirey guddoomiyihii u horeeyey ee ururka PEN ee qalinleyda ku hadla Soomaaliga kaas oo fadhigiisu ahaa Jabuuti.

 

 

Amaal Abdilahi

Ministry Of Education Puntland Somalia

 

Scroll to Top