Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar oo la kulmay ardayda iyo maamulka kulliyada tababarka macalimiinta ee GTEC.

1/jun/2015-Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa maanta kulan la qaatay mamulka iyo ardaydda Kulliyadda Tababarka macalimiinta Puntland GTEC ee magalada Garowe.

Kulankan ayaa ahaa mid ay ardayddu su’aalo ku waydiinayeen Prof.Ismaaciil kuwaasoo salka ku haya xaaladda siyaasadeed ee dalka, is-badalka bay’adda iyo isku xirna umadda Soomaaliyeed.

Aqoon yahan Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa khudbad uu marka hore ardayda u jeediyay kaga hadlay xaaladda umadda Soomaaliyeed iyo caqabadaha ku wareegsan iyo sida loogu baahan yahay inay ficilkooda hagaajiyaan si dalka oo dhan u hagaago, sidoo kale waxa uu ardaydda oo su’aalo kala duwan siyaasadda ka waydiisay ayuu tusaalooyin wanaagsan usoo qaatay Madaxwaynayaashii hore ee Soomaaliya Aadan Cadde iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen kuwaasoo uu ku sheegay inay ahaayeen Soomaali dhab ah oo wadaniyadda iyo ixtiraamku ku dheer yahay.

Mamulaha Kulliyadda GTEC Mudane Cabdirixmaan Shiikh Doon ayaa ayaa war bahinta u sheegay siday ugu faraxsan yihiin booqashadda gaaban ee uu Prof.Samatar ku yimi Kulliyadda iyo kulanka uu ardaydda la qaatay, waxa uu sheegay inay mar kasta soo dhawaynayaan cid kasta oo aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh xaalada dalka iyo horumarinteeda.

  • Prof.Ismaaciil ayaa lagu wadaa inuu galabta khudbad ka jeediyo Jaamacadda PSU ee magalada Garowe halkaasoo ay imaan doonaan aqoon yahano iyo ardaydda Jaamacaddaha.

Hoos ka Daawo Sawiradii.

IMG_3939IMG_3931IMG_3911IMG_3905IMG_3918IMG_3894IMG_3899IMG_3893

 

IMG_3893 IMG_3894 IMG_3895 IMG_3901 IMG_3909 IMG_3910 IMG_3911 IMG_3914 IMG_3916 IMG_3918 IMG_3921 IMG_3923 IMG_3925 IMG_3927 IMG_3929 IMG_3932 IMG_3941 IMG_3942 IMG_3944

 Xafiiska Warfaafinta Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland.

By Deeq Maxamed Warsame.

 

 

Scroll to Top