Ogaysiis: Sii Deynta Boqollaal Casharro Muuqaal ah oo Cusub

Puntland Learning Passport
Cilmi App ka soo degso: Google Play Store

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland waxa ay ogaysiinaysaa dhammaan ardayda, macallimiinta, waaliddiinta, iyo ciddii kale oo doonaysa waxbarasho bilaash ah in casharrada dhammaan maaddooyinka kala duwan ee dugsiyada hoose, dhexe, iyo sare oo muuqaal ah ay ka daawan karaan website-ka Puntland Learning Passport iyo mobile app-ka Cilmi oo ay si bilaash ah uga soo degsan karaan Google Play Store-ka.

Si aad moobilkaaga ugu soo degsatid app-ka, waxaad Google Play Store ka dhex raadisaa Cilmi. Marka uu kuu soo dego app-ka Cilmi, buuxi foomka isdiiwaangelinta si aad u daawatid ama u degsatid casharrada. Waxaa xusid mudan in aad casharrada ku degsan kartid mobile-kaaga taas oo kuu saamaxaysa in aad khad la’aan ku daawan kartid casharrada kuu degsan.

Halkaan ka soo degso Cilmi Mobile App ama booqo Puntland Learning Passport website.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxaa ay mahad ballaaran uga celinaysaa hay’adda UNICEF iyo shirkadda Microsoft Corporation oo gacan ka siiyey hirgelinta adeeg waxbarasho, Learning Passport, oo boqollaal kun oo carruur iyo dhallinyaro ah, kuwaas oo ku nool gudaha iyo bannaanka Puntland, u sahlaya helista waxbarasho tayo wanaagsan leh oo bilaash ah.

Scroll to Top