Ogaysiis: Boos Macalinimo oo ka banaan Dugsiga Sare Benderqaasim Boosaaso

Dugsiga Sare Benderqaasim Ee Magaalada Bosaaso waxa uu ogaysiinayaa in uu Dugsiga ka banaanyahay boos macalinimo oo ah Maadooyinka Geography, History & Gp.

Macalinkii daneenaaya booska kor ku xusan waa in uu buuxin karo sharuudahaan soo socda:

1-In uu yahay macalin maadada ehel u ah oo leh aqoon iyo khibrad ku filan.

2-In uu yahay macalin heer jaamacadeed ah oo ugu yaraan maadada ka haysta bachelor.

3-In uu yahay macalin maadada ku soo shaqeeyay oo ugu yaraan leh khibrad 5sano ah.

4-In uu yahay macalin akhlaaq ku sifaysan oo ku dayasho mudan.

Macalinka codsadaha ah waxaa laga rabaa:

1-In uu soo gudbiyo Cv.

2-Copy Shahaadada Jaamacadda ah.

3-Waraaq Khibrad shaqo.

4-Sawir taysaro ah.

  FG:

Macalimiinta soo codsata booska kor ku xusan waxay  marayaan qiimayntaan soo socota:

A)-Imtixaan.

B)-Kormeer.

C)-Waraysi (Interview). 

Xiliga qabashada codsiyada waxay ka bilaabmaysaa 14/08/2022 waxayna ku egtahay 30/08/2022

Wixii fahfaahin dheeri ah waxaad kala xariiri kartaan taleefoonada hoos ku qoran:

7721977/ 7707413 / 7772669 / 6211110

                        Mahadsanidiin.

Scroll to Top