NATIIJADDII IMTIXAANKA EE FASALKA 8AAD EE PUNTLAND OO MAANTA LA SHAACIYAY

Maanta oo ay taariikhdu tahay 07/08/2013 ayaa waxaa lagu dhawaaqay natiijadii imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee dhamaan deegaamada Puntland. Waxaa maanta furay xafladii lagu soo bandhigayay natiijada imtixaanka fasalka 8aad, Mudane Axmed Maxamud Warsame (Axmed Saahil) iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Puntland Mudane Abdi Faarax Siciid (Juxa) iyada uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda Mudane Maxamed AbdiWahab.

Imtixaanka shahaadiga ah waxa uu soo maray heerar kala duwan kuwaas oo kala ah

1. Imtixaan dajin iyo tayb garayn

2. Diiwan galinta ardayda dugsiyada dhexe

3. Imtixaan Daabicid iyo isku dubaridid

4. Imtixaan qaadid iyo Ilaalin

5. Iyo qaybta u dambeysa ee sixidda iyo soo saarista natiijooyinka ardayda.

Imtixaanka dajintiisu waxa uu bilowday 27 bishii Janaayo ilaa 31 bishii Janaayo 2013.  Diiwaan gelinta ardayda ayaa bilaabatay 1dii Febaraayo ilaa iyo 15 kii bishaas ayaa lasoo gabagabeeyay oo ardaydii loo qaybiyay kaararkii aqoonsiga ee ay imtixaanka ku fariisan lahaayeen. Ardaydii u fariisatay imtixaanka kama dambaysta ah ee fasalka 8aad ayaa tiradoodu waxay ahayd 6,049. Tiradda wiilashu waxay ahayd 3, 841 halka tan gabdhuhu ay ahayd 2, 208.

Imtixaanka ayaa waxaa lagu galay 52 xarumood oo ku yaala dhamaan gobolada iyo degmoodinka Puntland. Tiradda dugsiyada imtixaanka u fariistay waxay ahaayeen 153 dugsi oo ku yaal dhammaan gobolada Puntland.

Tiradda ardayda gashay imtixaanka 8aad-ka 2012/2013

Gobolka Bari                Lab = 1,215        Dhedig = 602       Wadar = 1,817 00 Arday

Gobolka Mudug         Lab = 978            Dhedig = 618         Wadar= 1,596 oo Arday

Gobolka Nugaal         Lab = 886             Dhedig  = 519        Wadar = 1,355 oo Arday

Gobolka Sanaag         Lab = 338             Dhedig = 201         Wadar = 539 00 Arday

Gobolka Karkaar       Lab = 319             Dhedig = 206         Wadar = 525 oo Arday

Gobolka Cayn             Lab = 91                Dhedig = 46            Wadar = 137 oo Arday 

Gobolka Sool              Lab 64                    Dhedig  = 16           Wadar = 80 Arday

Tirada guud ee kormeerayaasha imtixaanku wax ay ahayd 52 kormeere, halka tirada xarumaha imtixaanka lagu galayay ay ahayd 52 xarumood.

Tiradda ardayda gudubtay iyo kuwa dhacay.

Waxaa gudbay ama baasay 4, 874 arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal. Waxaa dhacay 1, 114 arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal. Waxa jirtay arday tiradoodu gaarayso 41 arday oo aan galin imtixaanka. Tiradda xarumaha ee Dugsiyada Dhexe 46. Tirada kormeerayaasha Dugsiyada Dhexe 59.

Tobankii ardayday ee ugu saraysay Imtixaanka fasal 8aad ee 2012/2013

Waxaa la sheegay tobankii arday (Top Ten) ee ugu saraysay Imtixaanka iyaga oo kala ahaa sidaan hoos ku qoran;

1. Nasteexo Sakariye Ciise Maxamed ( 91.36) – Al Waha School – Garowe

2. Maxamed Axmed Cabdi Yuusuf (90.00) – Al Najax – Bosaaso

3. Cabdullahi Maxamed Maxamuud (89.86) – Xaaji Abshir 0 Qardho

4. Siciid Cali Maxamed Ciise (89.43) Al-Waha Garowe

5. Sharmaarke Faarax Cali (88.71) Abuu Bakar Sadiiq

6. Maxamed Mawliid Axmed Maxamed (88.21) Darul Qur’aan

7. Bashiir Faarax Jaamac Cali (87.79) Al- Nuur – Baran

8. Cabdimalik Cali Khaliif Cilmi (87.50) Nawaawi – Qardho

9. Luqmaan Cali Xasan Cismaan ( 87.36) – Al-Waha- Garowe

10. Faaiso Mursal Muuse (87.14) Abuu bakar Sidiiq

Dugsiyada Qishka lagu qabtay ama galay.

1. Siinaay Baran – Sanaag

2. Qarxis Dangorayo – Nugaal

3. Xaaji Aden Dangorayo – Nugaal

4. Ildabey Eyl – Nugaal

Gabogabo.

Waxaan u mahad celinaynaa dhammaan intii ka qayb qaadatay imtixaanka hirgelintiisa iyo habsami u socodkiisi, iyo sidii masuuliyadda lahayd ee uga soo baxeen ama ay u fuliyeen shaqaddii baaxadda lahayd . Waxaan ardayda Puntland u rajeynayaa Guul.

Deeq Maxamed Warsame

Head of Media Unit

Ministry of Education – Puntland

Cell:- +252 907 743400

 

 

Scroll to Top