Najiitada Gabdhihii Ku Guulastay Deeqda Waxbarasho Oo Manata Lagaga Dhawaaqay Wasaarada Waxbarashada Puntland

Kulan ay manta isugu yimaadeen xubnaha ugu sareeya ee wasaarada aya waxaa garwadeen ka ahaa hay`ada UNICEF oo kaashanaysa waaxda  waxbarashada gabdhaha  ee loo yaqaan Gender Unit ayaa waxay si wada jir ah ugu dhawaaqeen najiitadii gabdhihii ku guulaystay deeqda waxbarashada ee loogu talagalay gabdhaha danyarta ah ee aan fursada uyeelan inay waxbartaan.

Deeqdaan ayaa waxaa bixinaya hay`ada UNICEF oo kaashanaysa wasaarada waxbarashada Puntland waxayna uxilsaarty waaxda iyadu qaabilsan waxbarashada gabdhaha,ayaagoo iyana in muda hawshaas loo xilsaaray ka shaqaynayay ugu danbayntiina ay ku guulaysteen.

Madaxa Xafiiska Waxbarashada Gabdhaha Mrs Faduma Shugri ayaa saxaafada u akhrisay tirade ku guulasatay deeqadan waxbarasho waxayna sheegtay inay tahay mid ku dhacday si cadaali ah ayna xaqiijiyeen najitada rasmiga ah,Fursadan waxbarasho ayaa waxaa ku guulaystay gabdho tiradoodu gaarayso 186 gabdhood oo ah dadkii loogu tala galay barnaamijkaan ayna yihiin kuwa ka faa`idaysan doona,deeqdan waxbarasho ayaa iyada ah mid isugu jirta waxbarashada hoose ilaa heer jaamacadeed ayadoo looga bixinayo dalka gudihiisa waa markii ugu horaysay oo deegaanada Puntland ay ka dhacdi tira intaa le`eg oo gabdho ah ay ku guulasyteen deeqadan waxbarasho.

Ugu danbayntii aya kulankii lagaga dhawaaqayay najiitada waxaa hadalo dardaarana iyo mahadcelinba kasoo jeediyay wasiir kuxigeenka waxbarashada Mr Iidirs oo isagu ku tilmaamay arinkan inuu yahay mid inoo horseedi doona mustaqbal cusub oo horumar leh.

 

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education 

Media Unit

Scroll to Top