Muwaadin reer Puntland ah oo Taageero soo gaarsiiyey Wasaaradda Waxbarashadda.

Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa weli ku howlan qalabaynta xafiisyada maamulada Waxbarashada ee Degmooyinka Puntland, Wasaaradda ayaa dhowaan qalab ay keentay DIAKONIA waxay ku wareejiyeen gudoomiyayasha Waxbarashadda iyo kuwa degmooyinka.

Degmooyinka qalabkaas la siiyey ayaa laga soo sheegayaa koronto la’aan ka jirta xafiisyada maamulada waxbarashada ee agabka la gudoonsiiyey, waxaana arintaas haatan lagu dhiiranayaa in dadweynuhu ka qayb qaato, si baahida korontada loo soo afjaro.

Maxamed Muuse Cabdulle oo ka mid ah qurba-joogta Puntland ee degan Canada ayaa maanta Wasaaradda ku wareejiyey matoor loogu talo-galay xafiiska waxbarashada ee maamulka degmada Eyl, madaxda wasaaradda ayaa ka qayb-galay bandhiga matoorkaas.

“Cabashada jirta ayaan isku deyey bal in aan ka qayb qaato wuxuun, dadka kale ee dibada jirana waxaan leeyahay sidaan oo kale u sameeya horumarka dalkiina.

 Agsimaha  mashaaricda ahna tababarka macalimiinta Maxamed Cali faarax ayaa munaa sabadaa soo Qaban qabiyey isagoo fahansana baahida qalabka loo qabo.
Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Puntland Dr. Maxamed Cali faarax oo hadal ka jeediyey goobta ayaa ku amaanay Maxamed Muuse tusaalaha wanaagsan ee uu sameeyey, wuxuu sheegay in qorshahan uu bilow u yahay waxqabadka qurba-joogta.

Wasiirka ayaa ka dalbaday jaaliyadaha dibeda iyo dadka lacagta haysta ee dibeda ku maqan in ay degmooyinka ka caawiyaan wixii ay awoodaan, wuxuu wasiirku ku celceliyey in xilgan ay dadaal sare ugu jiraan in la horumariyo Waxbarashada Puntland.

Qalab isugu jira computero, kuraas iyo qalab kale oo xafiiseed ayaa DIAKONIA ku wareejisay 20 degmo oo ka tirsan saggaalka gobol ee Puntland, kuwaas oo qiimayn lagu sameeyey kadibna la ogaaday in ay baahi u qabaan agabkaas.

DAAWO SAWIRADII XILWAREEJINTII  MATOORKA.

Deeq Maxamed Warsame

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland,

Contact Number+2525743400

Deeq.hurre99@Gmail.com

Scroll to Top