Mohamed Abdiwahab Xaji Ahmed Oo Loo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada Puntland

Mohamed Cabdiwahab Xaaji Axmed oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland
Digreeto ka soo baxadey xaafiiska Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamed Moxamud ayaa waxaa loogu magacaabey Maxamed C/wahaab Xaji Axmed Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland. Agaasimaha manta la magacaabey ayaa ah nin aqoon iyo khibrad dheer u leh waxbarashada Puntland taas oo gaarsiin san ku dhawaad 10 sanno.
Aqoonta iyo waaya aragnimada Agaasimaha cusub:
• Agaasimaha ayaa la shaqayn jirey hay’adaha caalamiga ah asaga oo la soo shaqeyay Hayadda NRC gaar ahaan mashaariicda waxbarashada asaga oo ka soo qaybtey xilalal sare oo kala duwan.
• Waxaa kale oo uu la soo shaqeeyay hayadaha CARE international iyo ADRA Somalia
• Agaasimaha oo leh aqoon heerka Masterka ayaa waxaa uu wax ka bartey Jaamacadda Landon University asaga oo ka bartey waxbarshada iyo hormarinta caalamiga ah (Education and International Development)
• Waxaa kale oo uu barty Horminta bulshada iyo maareynta mashaariicda ( community development and project management) asaga oo ka bartey machadka hormarinta reer guuraaga Africa ee loo yaqaan PREMESE Africa eek u yaal Dalka Kenya
• Waxaa kale oo ka baxay Jaamacadda East Africa University ee Bosaso asaga oo ka bartey barashadda maamulka iyo dhaqaalaha ( Business Administration)

Agaasimahaan cusub ayaa ah nin lagu yaqaan karti iyo dacaadnimo iyo waliba u doodida iney heleen waxbarsho taya leh caruurt Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda bulsahada dhaqaalaha liita.
Agaasimaha ayaa waxa uu ku rajo wayn yahay inuu isbadel la taaban karo kusoo kordhin doono Wasaaradda Waxbarashada Puntland isla markaasna gaarsiin doono adeega waxbarashada degmooyinka fog-fog iyo waliba bulshada xoolo dhaqatada ah.
Mudooyinkaan ayaa waxaa soo badanayay dhallinta aqoonyahanka ee la shaqeeyay Hayadaha caalimiga ah iney door bidaan la shaqaynta hayadaha Dowladda si ay uaga qayb qataan dhismaha iyo tayenta shaqooyinka hayadaha Dowladda.

 

Amaal Abdulahi Ali

Minisntry Of Education

Media Unit

Scroll to Top