“MIHNADDA UGU SHAQAALAHA BADAN PUNTLAND WAA MACALLINIMADA”, Waxaa yiri Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Axmed Maxamed Warsame (A. Zaahid)

Hadalkaan ayuu ku simaha Agaasimaha Guud ahna Madaxa Xafiiska Imtixaanaadku ka jeediyay Xaflad loo samaynayay Arday Dufcaddii ugu horreysay ee ka qalinjabisay Dugsiga Sare ee Nagaad ee Beesha Kalabayr ee Gobolka Nugaal.

Mudane Zaahid oo ka qayb galay Xafladdaasi oo lagu qabtay Dugsiga Nagaad ee Beesha Kalabayr, Hadal koobanna ka jeediyay ayaa sheegay in ay aad Wasaaraddu u taageerayso dadku haddii ay isku tashadaan, waxqabad iyo horumarna ay tiigsanayaan, waxaana uu ku dhiiri galiyay Ardaydii ka qalin jabisay Dugsigaasi Nagaad ee Kalabayr inay u diyaar garoobaan Waxbaridda jiilasha iyaga ka dambeeya si ay taasi ugu hirgashana ay Jaamacaha Dalka u galaan sidii ay u soo diyaarin lahaayeen Maaddooyinka ugu muhiimsan sida Xisaabta, Fisigiska, Kimistariga, Bayolojiga iwm. dibna ugu soo laabtaan Tuulada Kalabayr si ay u kobciyaan Waxbarashada, balse haddii ay ku haleeyaan in Macallimiin looga keeno meelo kale ay adkaanayso.

Agaasimaha ayaa yiri Macallinimadu waa Mihnad ka mid ah mihnadaha ugu waaweyn ee maanta shaqaaleeyay kumanaan macallin oo dadkooda u adeegaya noloshoodana kala soo baxa, Waxaana uu u yaboohay ardaydii ka qalinjabisay Dugsiga Nagaad in cidii u diyaar ah ay lacag la’aan ku dhiganayaan Jaamacadaha Gudaha Dalka ku yaal.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Nugaal Bariir Ciise Ibcad oo sheegay in Maanta Dawladdu ay qorshaysatay Nidaamka Isku tashiga, Beesha kalabayrna ay ku ammaanayaan sida ay isugu tashatay, waxaana uu u hambalyeeyay Ardaydii ka baxday sanadkaan Dugsiga Sare ee Nagaad nasiibkana u yeeshay inay noqdaan kuwii ugu horreeyay ee Dugsigaasi ka qalin jabiya.

Madaxa Hay’adda Tadaamun Cabdalle Yuusuf Muuse (Xuuxuule) ayaa isaguna u Hambalyeeyay Ardaydii ka baxday Dugsiga Sare ee Nagaad Beesha Kalabayr, Waxaana uu Macallimiinta, Guddiga Iskuulka, Waaridiinta iyo Wasaaradba ku dhiiri galiyay in laga sii shaqeeyo horumarinta Dugsigan iyo Dugsiyada kale ee Mandiqadda Puntland lana kobciyo adeegyada ay u baahan yihiin Ardaydu, waxbarashadoodana kor u qaadi kara.

Maamulaha Dugsiga iyo qaar ka mid ah Guddiga iyo Masuuliyiinta Beesha Kalabayr waxa ay ka sheekeeyeen Marxaladihii uu dugsigu soo maray iyo baahida keentay in Dugsigan la furo, midda ugu weyn oo ay carabka ku cel-celinayeen ayaa ahayd in la joojiyo ama la yareeyo dadka tirada badan oo sand walba ka guuraya una guuraya magaalooyinka waaweyn iyagoo ubadkooda waxbarasho la raadinaya iyo niyad jabka ku imaan kara ardayda aan qoyskoodu awoodin inay la guuraan oo waxbarashada ka hara.

Ugu dambayn waxaa laguddoonsiiyay Hadiyado iyo lacago dhiirigalin ah Ardaydii ugu sareysay Dugsiga Sare ee Nagaad iyo Fasalka Sideedaad ardaydii ka qalin jabisay, sidoo kalana waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay Macallimiintii, Guddigii iyo waaridiintii sida hagar la’aanta ah isaga kaashatay Hirgalinta dugsiga Sare ee Nagaad, Kalabayr.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa wada qorshayaal kor loogu qaadayo Waxbarashada Dhallaanka iyadoo dhinacyo badan laga eegayana ay Wasaaraddu ku kordhinayso kuna dar-dar galinayso sidii sanadba sanadka ka danbeeya u siyaadi lahayd tirada iyo tayada Ardayda ka soo baxa Dugsiyada Puntland.

 

 

 

 

 

Scroll to Top