Maxaa laga Baran karaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland?

17/ June/ 2015)    21 kii bishii may waxay ahayd maalin Khamiis ah aan u qalab qaatay oo aan u anba baxay magaalo ganacsiyeedka Gobolka bari ee Boosaaso aniga oo ka dhaqaaqay Caasimada Punt land ee Garowe, si aan uga qayb qaato imtixaanka qaranka Punt land ee fasalada Afraad ee dugsiga sare iyo fasalada sideedaadka. Ka dib socod dheer oo aan ku marnay wadada u dhaxayso Garowe iyo Boosaaso oo aan la socday kolanyo ka koobnayd Dhawr iyo Toban gaadhi, oo galbinaysay Imtaxaanka Gobolka Bari, waxaan gaadhnay goor magaalada Boosaaso goor ay Cadceedu Godkeegii baarka la gashay ama xiliga fiidcawlka loo yaqaano. Maalinimadii jimcaha ahayd ee ay bishu ahayd 22 kii may oo ahayd maalin jimce ah waxaan tagnay oo aan hagaajin agabka imtixaanaadka ah sida fasalada iyo kuraastaba ugu dareernay goobihii lagu galayay imtixaanaadka. Anigu gaar ahaantay waxaan ku qornaa oon u amba baxay Dugsiga Xamdaan ee magaalada Boosaaso kuyaal aniga iyo macalimiin kaleba. Maalintii ay taariikhdu ahayd 23 kii bishii may waxay ahayd subax sabti ah, waa subaxnimadii uu si rasmi ah ubilaabmay imtixaan kii fasaslka afraad ee dugsiga sare iyo fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe, kana bilaabmay dhamaan magaalooyinka maamul Goboleedka Puntland oo dhan.

Runtii suaashu waxay tahay maxaan kala kulmay imtixaankaasi ? sidee buu ahaa? Jawiga goobaha lagu galayey sidee buu ahaa? Ardayda galaysay arday noocee ah bay ahaayeen? Macalimiinta imtixaanka waardiyaynaysay iyo kormeerayaashu kuwo noocee ah bay ahaayeen? Maamulayaasha dugsiyadoodu galayeen imtixaanka kuwo noocee ah bay ahaayeen? Iyo waxyaabo kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobi karinba, waa waxyaabaha aan rabo inaan isdul taago oon wax ka tilmaamo?

Anigu waxaan ahay macalin ka soo shaqeeyey dugsiyada kala duwan ee Somaliland iyo Punt land ba oo aan hada ka shaqeeyo, taasina waa ta igu dhalisay inaan ka hadlo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin Somaliland dugsiyadeedu iyo Punt land dugsiyadeedu iyo waliba qaabka imtaxaanaadkoodu.
Waxdhigashada dugsiyadu meelkasta aad joogtide waa wax iskumida oo isku dhaw qaabka loo hawl galo iyo ardayda wax loo dhigayaaba waa wax aanu farqi wayni u dhaxayn runtii. Inkasta oo syllabus ka secondaryadu waxyar kala duwan yahay, sida caadiga ahna cid iskumida ay u dajisho syllabus ka dugsiyada sare ee Somaliland iyo Punt land ba.

Haddaba waxyaabaha lagu farxo een kala kulmay Imtixaanaadkii Maamul Goboleedka Punt land waxay ahayd mid layaab leh . horta jawiga imtixaanku wuxuu ahaa mid degan. Adiga oo ku diyaara fasalka aad waardiyaynayso waxaa kuu soo galayey arday ay ka muuqato akhlaaq iyo kalsooni buuxda. Ma jirto arday wata buug ama waxyaabo Qish ah. Arday kastaaba waxa uu si habsami leh u fadhiisanayey booska uu tiro summadeedkiisu ku qoran yahay. Ma jirto arday isku dayaya wax sharciga imtixaanka dhaafsiisan.

Kalsoonidu waa cajiib, arday kasta waxaa ka muuqatay wajigiisa kalsooni garashadiisu ha badnaato ama ha yaraato ma jiro mid dhinac u jeesanay muddada lagu jiro imtixaanka. Ma jiro arday abuuraya rabshad khal khal galinkarta imtixaanka nidaamkiisa. Waxaa farxad ku galinaya arday aanad marnaba wax hadal ah aan la doonanayn arday kale oo wixii loo dhigay ku kalsoon soo dadaalay kana shaqaynaya wixii ay awoodiisu gaadhsiiso wixii uuu garan waayana cidna aan isku dayay inuu su aalo, si toosana u baxaya marka uu dhamaysto waajibaad kiisa taasi waa sharafta ay leedahay wax dhigashadu iyo qiimaha ardayga aqoonta leh ee isku kalsoon ayay muujinaysaa.

Dhinaca kale maamulayaasha dugsiyadu waa dad ay kalsooni ay ku qabaan ardaydoodu ka muuqato oo aan wax hadal ah ku darsanayn macalimiinta waardiyaynaysay imtixaanka, sidoo kale macalimiintu waxay ahaayeen dad aan marnaba isku dayay in ay sameeyaan wax musuq maasuq ah si dad ban iyo si toos ahba haday tahay ilaaliye ilaa kormeere. Jawiga goobta ma arkaysid cid banaanka taagan oo ka daba imanaysa ardayda galaysa imtixaanka. Ma jiro cid darbiyada goobaha imtixaanka taagan oo isku dayaysa in ay wax Qish ah ardayda usoo tuurto.

Jawiga imtixaankaasii waxaa uu ahaa mid farxad galinkara bulsho horumar hiigsanaysa , oo nin walbaa waajibkiisii ka soo baxay haduu yahay mid macalin ah, mid arday ah iyo waalidba. Waa tartan xalaal ah oo loo galayo kaalmaha u sareeya ee Imtixaanka heer qaran. Taasina waxaa keenay daacada iyo musuq maasuq la’ aanta masuuliyiinta sare ee wasaarada waxbarashada Punt land. Ma jiro imtixaan la leeyahay waa la helay iyo wuu baxay toona. Waa waxbarasho xalaal iyo daacadnimo ku dhisan oo ardaydu u tar tanto sidii loogu talo galay farxad iyo rayn rayna galin karta cidkasta oo jecel in ay meel gaadho oo dadaalaysa waayo wuxuu ogyahay daacadnimada taala meesha runtii ma qiyaasi kartid dareenka uu kugu dhalinayo jawigaasi ka muuqday goobahaasi lagu galayey imtixaanka.

Kadib markii uu dhamaaday Imtixaankaasi waxaan u soo boqoolay dhinacaasi iyo Somaliland taariikh du markay ahayd 30 bishii May waxaan soo gaadhay Somaliland. Hadana taariikhdu markay ahayd 7 June 2015, waxaan ka qayb galay imtixaankii Dugiyada sare ee Somaliland. Haddaba maxaad filanaysaa in ay ardaydu ahaayeen? Imtixaanku muxuu ahaa ayaad filanaysaa? Macalimiinta iyo kormeerku sidee buu ahaa? Jawiga goobaha imtixaanku sidee buu ahaa?

Runtii iyo xaqiiqdii hadii la iska dhawro been ma ahayn wax lagu tilmaamo imtixana qaran waxa uu ahaa wax lagu maroora dilaaco. Ardaydu waxay wateen waxkasta oo ay soo qaadan karayeen buugtoodii, waraaqo qish ah mobile lada casriga ah iyo waxkasta oo ay heli karayeen. Ardayda kama ay muuqan wax kalsooni ah, wax daacadnimo ah , wax dadaal ah, isla marka imtixaanka la qaybiyo ma jirin arday ku foorarsanayey arday walba waxa uu soo qaadanayay buugta oo uu ka qishayey maadaama imtixaanku ka yimid buugtii imtixaanaadkii hore. Inta badan ardaydu waxay isticmaalayeen oo looga soo shaqaynayay internet ka sida facebook, Whatsapp ka iyo telefoonkaba. Jawigu waxa uu ahaa sidii suuqa oo kale fasalka dhexdiisu arday walba meesha uu doono ayuu tagayay, macalinka ilaalinaya iyo kormeerkuba waxay ku lahaayeen wada shaqaysta dhamantiin. Haddii uu macalin kamida ku adkeeyo waaba la qabsanayay runtii ma odhankaro imtixaan qaran buu ahaa waxaan odhan karaa waxa uu ahaa Masiibo qaran. Imtixaanku waxa uu ka soo galayey banaanka askariga , macalinka intuba waxay soo raadinayeen qish ay siiyaan ardayda ilaa maamul ilaa saqiir . jawiga banaanka waxaad moodaysaa in mudaharaad caalami ah ka socdo sida loo tugan yahay ma garan karo waxay wax u sheegayaan ee ay ardaydan siinayaan, kalsoonidii baa gaadhay heerkii ugu hooseeyey. Ma jiro dadaal uu arday muujiyaa waayo waxa uu ogyahay in aanu jirin wax uu ku dadaalo runtii waxaan odhan karaa waxaasi oo dhan waxaa ka mas’ uul ah madaxda qaranka haday tahay mid guud iyo gaar ahba.

Musuq maasuqa daashaday madaxda wasaarada waxbarashada ayaa loo eedeeyaa dhibka ku dhacay waxbarashada da’ yarta wadanka. Ma jirto cid si fiican wax u barataa , waxaad arkaysaa imtixaankii oon la galin oo banaanka yaala!!!!!! … xaguu ka yimid haddii aanay soo saarin cidii masuulka ka ahayd . guntii iyo gabagabadii waxaan baaq u dirayaa cidkasta oo damiirkiisu nool yahay oo jooga Soomaaliland waxaan leeyahay waar ha la badbaadiyo maskaxdii cusbayd ee wadanka usoo bixi lahayd oo dhimatay, haloo gurmado horumarka Somaliland haloo gurmado cadaalada imtixaanka qaranka oo turjumaya dadnimadeena. Haloo gurmado cadaalada ummadan tashatay haloo gurmado waxbarashadii wadanka oo tayadeedii baa ba’day oo ay masuul ka tahay cadaalad daradu. Arday kasta oo dadaali lahaa waxaa uu ku odhanayaa maxaan ka dadaali kolay saw layli uun imtixaanku maaha waa cajiib!!!!!!!!!!!!!!!!
Taladaydu waxa ay tahay haddii laga noqon waayo caadadani xun ee soo baxday wixii ka danbeeyey 2008 waxaa la is waydiin doonaa aqoon yahankii maxaa ku dhacay. Waayo madaxdii beri ayaad ku bar baariseen cadaalad daro iyo musuq maasuq joogta ah.
By Sir Abdiwahab Saed Ibraahim
Tel: 0634451676
Email: abdiwahab07@hotmail.com.

Scroll to Top