Masuuliyiinta W/wabarashadda oo kulan sagootin ah u sameeyay Agaasimihii waaxda mashaariicda Maxamed C.Farax.

20/10/2014,Garowe, Masuuliyiinta Wasaradda Waxbarashada  iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland ayaa kulan sagootin ah u sameeyay agaasimihii waaxda mashaariicda iyo tababaradda wasaradda waxbarashadda oo dhowaan madaxwayne Gaas u magacaabay Agaasimaha guud ee wasarada arrimaha gudaha.

Kulankan waxaa goobjoog ahaa wasiirka waxbarashada, ku xigeekiisa, Agaasimaha guud ee wasaradda iyo qaar ka mid ah shaqalaha xarunta dhexe, kuwaasoo dhankooda muujiay inay ku faraxsan yihiin xilka uu Maxamed Cali Faarax ka helay madaxwaye Gaas,

Sidoo kale Xafladan ayaa waxay ahayd mid lagu soo dhaweynayay Agaasimaha cusub ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacaliinta Sare Puntland Axmed Cali Shire Keyse oo dhawaan la soo magacaabay.

Madaxa Imtixaanada Wasaaradda Waxbarashada Puntland Axmed Maxamed Warsame Saahid oo ugu horeyn xaflada ka hadlay ayaa waxaa uu bogaadiyay xubnaha ka qeygbagalay iyo qaabka loo soo agaasimay isagoo sheegay inuu soo dhaweynayo Agaasimaha cusub ee la soo magacaabay.

Qaar ka mid ah xubnaha Agaasima waaxeedyada Wasaaradda Waxbrashada Puntland oo iyaguna dhankooda Madasha ka hadlay ayaa waxay hambalyo bogaadin ah u direen Agaasimihii Waaxda Mashaariicda iyo Tababarada Wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax.

Xubnaha xaflada ka hadlay ayaa Agaasimihii hore ku bogaadiyay howshii adkeyd ee uu ka soo Qabtay Wasarada Waxbrashada Mudadii uu xilka hayay kan Iminka loo dhiibay ee Agaasimaha Guud Wasaarada Arimaha gudahan ugu Duceeyay Inuu Alle la garabgalo.

Axmed Cali Shire oo ah Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbrashada  iyo Tacliinta Sare Puntland oo xilkaasi ku cusub ayaa dhankiisa hambalyo u diray dhammaan xubnaha Wasaarada isagoo ka rajeeyay in ay howshan la qaban doonaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbrashada Puntland Maxamuud Cali Farax ayaa ka sakow bogaadinta hambalyada xaflada sagootinta ah ee la sameeyay ka dib soo dhaweeyay Masuulka cusub ee Agaasimaha Guud Wasaarada loogu soo Magacaabay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ugu baaqay xubnaha Wasaarada iyo Agaasime waaxeedyada Wasaarada in ay ku dadaalan sidii ay ubadka Puntland waxbarasho tayo leh u heli lahaayeen.

Agaasimihii hore ee Waaxda Mashaariicda iyo Farsamada gacanta Wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa isna aad ugu mahad celiyay xubnaha soo agaasimay xafladan loo qabtay,isagaa mahad Alle usoo jeediyay xubnihii la soo shaqeeyay mudadii uu xilka hayay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Puntland Cali Xaaji Warsame oo xaflada loo xiary ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in qofkast oo ka mid ah xubnaha Wasarada e shaqada ka tag si sharaf leh loo sagootiyo

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in ay Wasaarada waxbarashada soo gaartay yoolalkii ugu muhiimsannaa ee ay dooneysay in ay ku talaabsato taasi oo lagaagag dheehan karro dadaalka iyo waxtarka ay umada Puntland u hayso.

Hoos Ka daawo Sawiradda
??????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,

Scroll to Top